Muqdisho(SONNA):-Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada Degdegga ah ee Caafimaadka Guud, kulan heer qaran ah oo ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Warfaafinta, Maareeyaha Guud ee Duulista Hawada, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.
Muhiimadda kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee la xiriirta ka hortagga iyo u-diyaargarowga cudurka Ebola.
