Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ‘GIDAAR MADAXA KU GARAAC GURI MA LAGU SOO GALAA?’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘GIDAAR MADAXA KU GARAAC GURI MA LAGU SOO GALAA?’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘GIDAAR MADAXA KU GARAAC GURI MA LAGU SOO GALAA?’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 22, 2024
7 Min Read
Share

Kadib markii uu fashilmay shirkii wadahadallada  Wejigoodii 2-aad ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiye ayuu Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh oo ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka ayaa sheegay in arrinta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo  Itoobiya ee maanta taagan inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday. “Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.

 “Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”, sidaasi waxaa yiri:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFs Mudane Axmed Macallim Fiqi, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, haddii ay tahay maal ama dhiigba.

Hadalka Wasiirka ayaa daba jooga hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya mar uu  shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayuu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in hadalada xanafta ah ay sii adkeynayaan Xaaladda haatan jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa ‘in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya’ ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2008-kii, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca Dad gaaraya 800 kun oo qof.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Xamse Xaadoow oo u jawaabay Itoobiyaanka damacu waalay ee Soomaaliya ku soo gardarooday, “Adan Faarax Ibrahim waxa fajaca iyo layaabka ku noqday maalmahan, waxaa weeye in uu maanta arkay SOOMAALI wax diidi karta, gaar ahaana ‘Maya’ dhihi karta damaca Abey Axmed. Malaha wuxuu is lahaa Soomaliya waxaa lagu hubsaday god dheer, baddooda iyo dhulkooda oo la qaadanayo ma ka hadli doonaan”. Guddoomiye ku xigeenka Xisbi Xaakimka Itoobiya (PP) Aaden Faarax Ibraahim waxa fajaca iyo la yaabka ku noqday maalmahan, waxa uu maanta arkay SOOMAALI wax diidi karta, gaar ahaana ‘Maya’ dhihi karta damaca Abey Axmed. “Malaha wuxuu is lahaa Soomaliya waxaa lagu hubsaday god dheer, baddooda iyo dhulkooda oo la qaadanayo ma ka hadli doonaan”, ayuu sii raaciyay Xoghaya.

“Waaqaca Dhabta ah ee uu Aadan arkana waa in Itoobiya loo hogaansamo oo dhulkii ay horay u heysatay baddana loogu daro. Waxaan maqli jiray “mudul gubtay mudul gubtay kama naxo” oo dhibta uu isagu ku jiro ayuu malaha la doonayaa in Soomali badan ay lasoo galaan ama hadii si kale loo dhigo maadaama uu isagu yahay Itoobiyaan wuxuu moodaa in Soomali oo dhan ay tahay Itoobiyaan, malaha wuxuu kala garan waayay xuduudaha iyo dalalka geeska”!

Itoobiya waxaa xuduud la leh waddama bad leh sida; Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Eratareeya iyo Suudaan. Haddii Itoobiya ay dekedo isticmaasha dooneyso waxa ay hadderba isticmaashaa Dekedaha Jabuuti iyo Keenya, waxaase cad iney dhul-boob iyo bad-boob tahay, una aragto dalka kaliya ee ay boobi kartaa inuu yahay Soomaaliya, iyada oo ka fiirineysa halka ay Soomaaliya maanta taagantahay oo ay u aragto in sanado ka dib ayyan suurtoobeynin in la boobo, waxaana uu u soo jeeday talo “Aadan iyo ragga la midka ah waxaa la gudboon inay ka fekeraan aayahooda iyo shucuubta itoobiya ee ay matalaan. Shucuubta itoobiya oo ay hormuudka ka yihiin duubabka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka waxaa la haboon maanta iney ka shaqeeyaan nabadd waarta iyo in ay si furan uga hor-yimaadaan damca guracan ee aan miro dhaleyn ee Abey Axmad”.

Madaxda Itoobiya ee maanta waxaa la gudboon dadaalka ay ku bixinayaan inay bad iyo dhul SOOMAALI leedahay ku boobaan, waxaa wanaagsan inay u leexiyaan dib u heshiisiinta shucuubta Itoobiya, daryeelka shacabka Itoobiya ee iyaga oo qaxooti ah, raadinaya nolol jooga kuna dayyacan daafaha dalka Soomaaliya, qaarna ay har iyo habeen maraan badaha iyaga oo tahriib ah, in ay hagaajiyaan nabadgalyada Itoobiya dhaxdeeda ah iyo horumarinta shacabka wanaagsan ee itoobiyaanka ah ee mudan sida ay u noolyihiin si wanaagsan in ay u noolaadaan.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa uu Adan xusuusineynaa sida Soomaali qaxooti ah ay ugu nool yihiin Itoobiya si la mid ah oo weliba ka ixtiraam iyo qadarin badan ayaa shacab badan oo itoobiyaan ah ay ugu nool yihiin Soomaaliya, sidoo kalana ay marin u tahay laguna marti geliyaa goobkasta iyo guri kasta. “Nabadgalyada gobalka waxey dan u tahay dhammanteen, Soomaaliya waxey diyaar u tahay deris-wanaag, is ixtiraam, sinaan iyo nabad kuwada noolaasho, waxaase horay u dhicin, maantana dhaceynin, beritana dhici doonin in dhul iyo bad Soomaali leedahay la boobo. Damacaasna Waa RIYA maalmeed” ayuu ku xiray hadalkiisa.

Dhinaca kale Soomaaliya ayaa amartay shirikadda diyaaradaha ee Itoobiya Airline inay magaca ‘SOOMAALIYA’ raaciso dhammaan macluumaadka la xirira duulimaadyada ay magaalooyinka Soomaaliya ku tageyso, waxaana loo qabtay muddo koban inay arrinkan ku saxdo, waxaana la sii raaciyay haddii khaladkaasi ay sixi weydo, shirikada loo sheegay in duulimaadyada Soomaaliya laga hakin doono, sida hoos ka muuqata dhammaan duulimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika ayaa la raaciyaa magaca dalka ay tageyso, balse Soomaaliya,  kaliya waxay shirikadu qortaa magaca magaalada ay diyaaradu tageyso.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo soo saaray bayaan ku saabsan Soomaaliya

Addis Ababa (SONNA): Goluhu wuxuu si adag uga horyimid isla markaana cambeereeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku…

GudahaWararka
January 6, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay laamaha amniga dalka

Muqdisho (SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaal Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadalay amniga dalka la qaatay saraakiisha amniga…

GudahaWararka
August 10, 2021

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka bay ayaa dilay maleeshiyaad khawaarijta ka tirsan

Baydhabo-(SONNA)-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 45-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal burburin ah waxay ay ka…

GudahaWararka
February 10, 2024

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ay ka socdaan howlo dib loogu dayactirayo

Muqdisho (SONNA)-Safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ka socda dayactir ballaaran oo dib loogu dhisayo safaaradda ayaa waxaa ka…

GudahaWararka
September 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023