Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aaasaaskooa.
Wasiirku waxa uu si gaar ah u bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ku leeyihiin difaaca qaranka, taageeridda hawlgallada la dagaallanka argagixisada, fulinta samatabbixinta degdegga ah, iyo ka qayb-qaadashada sugidda amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka geesinimada, hufnaanta, iyo heeganka joogtada ah ee ay u muujiyaan difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.