Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay wefti ka socday dalka Talyaaniga

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wefti ka socday dalka Talyaaniga oo uu hoggaaminayey agaasimaha guud ee hay’adda horumarinta iyo iskaashiga u qaabilsan dawladda Talyaaniga HE. Luca Maestripieri.

kulanka ayaa waxa sidoo kale ka qayb ahaa madaxda hay’adaha UNIDO iyo AICs ee Soomaaliya.

Shirkanka ayaa waxa lagaga wada-hadlay xoojinta iskaashiga iyo sidoo kale mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka oo ay ka wada-shaqeynayaan labada dhinac.

La wadaag cid kale