Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan
    April 16, 2026
    Wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo Turkiga uga qaybgalaya shir caalami ah
    April 16, 2026
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay agaasimayaal ka socda dowlad goboleedyada
    April 16, 2026
    Ciidanka Gorgor oo kaalmo ka qaybiyey Baay
    April 16, 2026
    Wasiirka arrimaha dibadda oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka India
    April 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka cadaaladda oo qaabilay agaasimayaal ka socda dowlad goboleedyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka cadaaladda oo qaabilay agaasimayaal ka socda dowlad goboleedyada
GudahaWararka

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay agaasimayaal ka socda dowlad goboleedyada

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 16, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin iskugu jira Agaasimayaal Guud iyo saraakiil sarsare oo ka socday dowlad-goboleedyada dalka, kuwaas oo booqasho shaqo ugu tagay Wasaaradda.

Kulankan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu dardargelinayo diyaarinta iyo hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (NACS 2026–2030), iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray tallaabooyinka xiga ansixinta istiraatiijiyadda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta qorshaha hawleed, xoojinta isku-duwidda hay’adaha, iyo dardargelinta fulinta howlaha mudnaanta leh.

Wasiirka ayaa bogaadiyay wadashaqeynta dhow ee u dhaxaysa bahda cadaaladda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, isaga oo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada horumarineed ee horyaalla hay’adaha cadaaladda dalka. Mas’uuliyiinta dowlad-goboleedyada ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta istiraatiijiyadda, iyagoo soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo kor loogu qaadi karo fulinteeda iyo waxtarkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo iskaashiga dhow, si loo hubiyo hirgelinta qorshayaasha qaran, gaar ahaan Istiraatiijiyadda La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in Wasaaraddu qaadan doonto doorkeeda hoggaamineed ee dardargelinta iyo taageeridda istiraatiijiyaddan, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda hay’adaha, kormeer joogto ah iyo isla-xisaabtan hufan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Istanbul (SONNA):  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada…

April 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo wax lala yaabo ku tilmaamtay go’aankii kenya ee hakinta duulimaadyada

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda  federalka soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah…

GudahaWararka
May 11, 2021

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo daah furay Kulanka Soo bandhigga Qorshaha Istaraatiijiyadda Dhab-u-heshiinta Qaran.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFs Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa maanta ku daahfuray Muqdisho…

GudahaWararka
December 22, 2024

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo si rasmi ah hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari ugu wareejiyey Uganda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari…

GudahaWararka
December 18, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay dhismaha waddo isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar

Jowhar(SONNA):- Madaxweynaha Dowladda goboleedka  Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dhagax-dhiggay wadada isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere…

GudahaWararka
March 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023