Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta kula kulmay caasimada Muqdisho mas’uuliyiin ka socotay ururka Iskaashiga Islaamka.
Mudane Axmed Macalim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiintan uu hoggaaminayay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee arrimaha siyaasadda, Danjire Yuusuf Maxamed ayaa ka wada hadalay arrimaha badan oo ay ka mid yihiin howlgallada dalka ka socda, xasillinta, gargaarka banii’aadnimo, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn uga mahad celiyay ururka Iskaashiga Islaamka howlaha ay ka fuliyaan Soomaaliya gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo dul istaagay horumarrada xilligan ka socda Soomaaliya gaar ahaan dib u xoreynta, xasillinta iyo arrimo kale, waxaa uuna soo qaatay muhiimadda ay leedahay in ay gacan ka geystaan.
Dhankooda, Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa ay ballanqaad ka sameeyeen gargaar degdeg ah oo ay soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, waxaa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen xoojinta xiriirka labada dhinac.