Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Farsamo ka furtay Magaalada Baydhabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Sawirro > Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Farsamo ka furtay Magaalada Baydhabo
SawirroWararka

Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Farsamo ka furtay Magaalada Baydhabo

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 10, 2019
3 Min Read
Share

Baydhabo-(SONNA)- Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah federaaka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka Soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer Dowlad goboleed ee kala ah Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka XFS, agaasimayaasha guud ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir shabelle. Kulanka ayaa u jeedadiisu tahay in la iska xog waraysto sida ugu haboon ee la iskaga kaashan karo arrimaha farsamo ee ku aadan howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo doorka ay agaasimayaasha guud ka qaadan karaan xoojinta xiriirka iyo wada
shaqaynta wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowladdaha xubnaha ka ah federaalka.

Kulanka oo ah mid farsamo iyo is-xogwaraysi waxa uu socon doonaa muddo saddex maalin ah iyadoo lagu lafa guri doono arrimaha farsamo iyo in lagu soo bandhigo heerka uu marayo dib-u-eegista dastuurka iyo qiimaynta horumarada laga garay iyo caqabadaha lala kulmay intii lagu guda jiray dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dastuurka heer federal ayaa soo dhoweeyay kulanka waxa ayna xuseen in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo xiriirka wasaraadaha dastuurka ee heer federal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah federaalka islamarkaana ay ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan
doonaan sidii loo dhamaytiri lahaa dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay wasiirada dastuurka ee wasaaradahooda ay kala shaqayn doonaan sidii heshiis farsamo looga gaari lahaa arrimaha u baahan wada xaajiiodyada siyaasadeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS mudane Maxamed Abukar Zubeyr ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqynta agaasimayaasha guud ee wasaraadaha dastuurka ee heer federal iyo heer dowla goboleed, si loo kala sooco arrimaha farsamo iyo arrimaha siyaasadda.

“Natiijada laga filayo kulankaan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga, fahanka iyo macluumaadka heerarka uumarayo dib-u-eegista dastuurka si la iskula jaanqaado” ayuu yuri Agaasimaha Guud ee Wasarradda Dastuurka XFS Mohamed Abukar Zubeyr.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Warsame oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay agaasimayaasha guud sida ay u aqbaleen marti
galinta shirka, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqaynta agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed si loo dhammaystiro Dastuurka ku meelaarka ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa…

July 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Daa’uud Aweys” Waxaa naga go’an in aan horumarino adeegga dalxiiska dalka”,

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Da'uud Aweys Jaamac oo ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya…

GudahaWararka
September 14, 2024

Ciidamada Xoogga Dalka oo muujiyay kaalinta kaga aadan baajinta dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Galgaduud

Muqdisho(SONNA) Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee XDS kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ku guuleystay baajinta dagaallo kale oo ka…

Wararka
January 17, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay safiirka Kenya

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dowladda Kenya…

GudahaWararka
May 22, 2023

Kusimaha Madaxweynaha JFS oo Xariga ka jaray xarunta Ciidanka Dulka

Muqdisho-SONNA):- Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo…

GudahaWararka
November 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023