Muqdisho,(SONNA):-Warqoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS ayaa lagu yirii:-wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedinaysaa taageerayaasha kala duwan ee ciyaaraha dowladd goboleedayda iyo gobolka Banaadir sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo habmaamuuska ee wasaaraddu u xilsaartay.
Intii ay ciyaarahu socdeen waxaa soo baxay arrimo dib u u qiimayn u baahan oo wasaaraddu ku baraarugtay o halis gelin lara bedqabka ciyaaryahanada, masuuliyiinta dowladda iyo taageerayaasha garoonka jooga.
Hadaba si looga fogaado nugeylka bedqabka tobanaanka kun ee garoonka jooga waxay wasaaradda soo saaraysaa go’aamadan:-
1:-Waxaa gudaha garoonka laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee farah badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.
2:-Waxay wasaaradda diyaarsiay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa.
3:-Ciidanka iyo habka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore eegaroonka.
4:Waxaa ammaanka garoonka iyo nawaaxigiisa masuul ka ah hay’adaha amniga ee gobolka Banaadir.
5:-Sidoo kale wasaaraddu wax ay u fududeyneysaa taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.