Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka
GudahaWararka

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

By SB
Last updated: December 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay bannaanbaxyo waaweyn oo si adag looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ku hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Bannaanbaxyadan ballaaran ayaa si gaar ah uga dhacay magaalooyinka Muqdisho, Laascaanood, Baydhabo, Xudur, Cadaado, iyo Guriceel, halkaas oo kumannaan dadweyne ah isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn, iyagoo watay calanka Soomaaliya, si ay dunida ugu muujiyaan midnimo qaran iyo dal-jacayl.

Dadkii ka qeyb galay bannaanbaxyada ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay si cad ugu muujinayeen diidmada ay ka qabaan isku day kasta oo Israa’iil ku aqoonsanayso ama ku taageereyso kala-go’ ama kala-qaybin lagu sameeyo dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada waqooyi ee dalka.

Dibadbaxayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, lehna xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin, waxgarad, dhaliyaro, Haweyn, iyo culimo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo dalalka caalamka, in ay sii xoojiyaan tageeradooda kana horyimaadaan faragelinta Israa’iil iyo tallaabo kasta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sidoo kale, shacabka bannaanbaxa sameeyay ayaa muujiyay taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku booriyay in ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada, iyo qaranimada dalka.

Ugu dambayn, bannaanbaxyadan ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee dalka ayaa lagu tilmaamay farriin midnimo qaran, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga soo horjeedaan xadgudub kasta oo lagu sameeyo dalkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidamada Galmudug

Gaalkacyo-(SONNA)-Axmed Diiriye Raadgoob oo ka tirsanaa Khawaarijta arxan laaweyaasha ah ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka…

GudahaWararka
July 24, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo shir caalami ah uga qaybgalaya Sucuudiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay Shirweynaha…

GudahaWararka
October 8, 2025

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

Mudisho.SONNA...Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal…

GudahaMaqaallada
April 12, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee…

GudahaWararka
April 12, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023