Ceeldheer (SONNA): Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadigia Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerarta magaalada waaberigii sabtidii tagtay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda FS.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib.
Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidookale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.
Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay caruurtoodu qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan.
Dowladda waxaa ka go’an cirirbtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka si la mid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeena.