Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: War murtiyeed laga soo saaray Shirka wada tashiga Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka iyo D/Goboleed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War murtiyeed laga soo saaray Shirka wada tashiga Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka iyo D/Goboleed
GudahaWararka

War murtiyeed laga soo saaray Shirka wada tashiga Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka iyo D/Goboleed

By Agaasimaha SONNA
Last updated: March 19, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023, waxaa ka shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimayaasha guud ee wasaradaha warfaafinta, Agaasime Waaxeedyo iyo lataliyaal.

Shirka wuxuu socday labo maalmood waxaana looga hadlay.
1- Wixii ka qabsoomay heshiiskii lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay iyo sida lagu hirgalin karo wixii aan qabsoomin
2- Hawlaha hor tabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha ee 2023
3- Dib u eegista siyaasadda Qaran ee Wacyi galinta.
4- Mideynta Hawlaha Hor tabinta leh ee wasaaradaha.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa shirka Wadatashiga ka soo baxay:

1- Si kor loogu qaado fahamka bulshada Soomaaliyeed ee Dowladnimada iyo wacyiga dadweynaha ee qatarta fikradaha xagjirnimada ee kooxaha khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish waxa ay Mas’uuliyiinta isla qaateen in la xoojiyo Warbaahinta dowliga ah labadeeda heer.

2- Mas’uuliyiintu waxa ay isla garteen in la ballaariyo, goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labadeeda heer, iyada oo la xaqiijinayo ka wada shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.

3- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha waxa isla qireen baahida loo qabo in si deg deg ah looga wada shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doono dhowaan, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanada ay sharci darrada ku haysteen kooxaha Khawaarijta in ka badan 15 sano oo ay marin habaabinayeen.

4- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir laga sii daayo Barnaamijyo mideysan oo ka hadlaya qatarta kooxaha khawaarijta ah iyo fikirkooda, maandooriyaha, waxqabadka dowladda labadeeda heer, laguna baahiyo lahjadaha Maay iyo Maxaa-tiri.

5- Mas’uuliyiinta waxa ay isku raaceen in si wadajir ah Warbaahinta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir looga baahiyo Barnaamijka Xogta Dowlad goboleedyada ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, si hormarka iyo xaaladaha gobolada ula socdaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo farriin mideysan oo muujinaysa horumarka bulshada iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

6- Mas’uuliyiinta waxay isla qaateen mideynta Hawlaha Hortabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska Warfaafinta gobolka Banaadir.

7- Shirka waxaa ka soo baxay dukuminti mideysan oo ka tarjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha Warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hannaanka loo wajahayo caqabadaha, iyo fursadaha jira.

8- Iyaada oo laga duulayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deeganadii laga xoreeyay, mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg de ah looga hawl galo goobahaasi lagana fuliyo Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyi-galinta dedaalaada xasilinta.

9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in la mideeyo dhammaan barnaamijyada wacyo-galinta ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, xasilinta . Iyo guulaha hawlgalada dib u xoreynta dalka.

10- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir waxa ay isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee dhammaan hanaanka Warbaahinta iyo Wacyi-galinta dalka, waxaa ayna uga baaqayaan hay’adaha kale dowladda labadeeda heer iyo deeq bixiyayaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo.

11- Shirku waxaa uu isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir lana joogteeyo kulamada muhiimka u ah wasaaradaha iyo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Shirka waxaa uu u mahad celinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland oo marti galisa shirkan, si wacanna u soo dhwoeysay wafuudii ka soo qeyb gashay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirudowlaha Caafimaadka XFS oo furtay olole Caafimaad oo fulinayaa Dhakhaatiir Masaari ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS oo daahfurtay olole caafimaad oo ay Isbitaalka Martiini ka fulin doonaan dhaqaatiir…

GudahaWararka
September 21, 2024

Wasaaradda Qorsheynta oo u diyaar garoobeysa Diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa shir gudoomiyay shirka bilaha…

GudahaWararka
February 20, 2023

Ra’iisul Wasaare Khayre, Safiirrada Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo Taliyaasha Ciidanka Oo Kulan Ka Yeeshay Dardar Gelinta Mashuurca Dhismaha Wadada Muqdisho Iyo Afgooye

Muqdisho (SONNA) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay…

Wararka
January 21, 2020

Abwaan Shube “Maleysan Waagii Aan Indhahayga Ku soo arkay ” MALO-KA-BAX

Muqdisho (SONNA)-Barqa-kulul dhexdeed, ayaan gaari ka raacay golaha muritida iyo wacyigelinta—The National Theartre—si aan u gaaro cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka…

GudahaMaqaalladaWararka
February 4, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023