Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ingiriiska
    July 14, 2025
    Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta
    July 14, 2025
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya
    July 14, 2025
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐭𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya
    July 14, 2025
    Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta
    July 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Abwaan Shube “Maleysan Waagii Aan Indhahayga Ku soo arkay ” MALO-KA-BAX
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Abwaan Shube “Maleysan Waagii Aan Indhahayga Ku soo arkay ” MALO-KA-BAX
GudahaMaqaalladaWararka

Abwaan Shube “Maleysan Waagii Aan Indhahayga Ku soo arkay ” MALO-KA-BAX

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 4, 2022
3 Min Read
Share
Muqdisho (SONNA)-Barqa-kulul dhexdeed, ayaan gaari ka raacay golaha muritida iyo wacyigelinta—The National Theartre—si aan u gaaro cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Benaadir, halkaas oo aan booqasho gaaban ugu baxnay.
Markii aan gaarnay illinka laga galo cisbitaalka, waxaa na hakiyay ciidamada Ilaalada ee cisbitaalka; dabadeedna waxa ay naga guteen wajibaadkoodii shaqo ee loo idmaday.
Durbadiiba, waxa aan u dhaadhacnay gudaha, waxaana bannaanka dhismaha, qeybta maamulka nagu sugaysay agaasime— Dr.Fartuun Shariif oo aan hore ugu sii wargelinay qorshaheheenna, soo dhoweyn dabadeedna xafiiskeeda ayaannu ku nasannay.
U jeedka aan u socday wuxuu daarranaa laba arrimood: tan koowaad waxa ay aheyd, in aan booqdo bukaannada, qiimeynna ku sameeyo adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo— iyo in uu igu leeyahay xusuus gaar ah; maaddaamma, sannadka 1980kii ay iigu dhalatay curaddeydu— xilligaas oo aan ku xasuusto in ka soo booday gidaar yar oo ku yiillay qeybta dhalmada, si aan u arko curaddeyda iyo hooyadeed; maaddaamma aan ragga loo oggoleyn. Sidaas aawadeed ayaan derbiga iska soo tuuray.
Dr.Fartuun Shariif, ayaa i geysay isla gidaarkii yaraa ee aan habeenkaas ka soo booday, runtiina waxaan galay xusuus dheer iyo xaalad kale oo dareenkeyga rogrogtay; dabadeedna jirkeyga.
Intaas kadib, waxaan sii wadannay booqashadeenii, waxaase xaalku is rogay, markii aan la kulannay duruufo adag oo uu ku shaqeynayo guud ahaan cisbitaalka iyo ka warqab la’aanta qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, haddii ay yihiin: madax, siyaasiyiin, ganacsato, culimmo iyo aqoonyahanno kaleba.
Waxaan booqanay qeybta daryeelka ubadka oo ay yaallaan qalab casri ah; isla markaasna ay ka socdaan adeegyadii caafimaad ee loogu talagalay. Sida: in catruurta ku daahda kafka hooyada, looga saaro naqaska ku dhaggan—iyo Xabka uu jiiday intuu ku jiray meeshaas. Sidoo kale, waxaa markaas daryeel Caafimaad loo fidiniyay ilmo hor-dhalad ah, oo ka soo hormaray muddadii caadiga ahayd ee sidka hooyadu ku idlanaa. Si walboo ay ahaataba, dhaqaatiirta ayaa noo sheegay in lagu koronayo qalab loogu talagalay, oo aad u hormarsan.
Intaas kadib, waxaan u sii gudubnay qeybta daryaalka carruurta la Il-daran Jadeecada iyo nafaqadarrada—Qeybtan, waxaa jiifay carruur da’doodu ka yartahay 10 sano, oo badidood laga keenay gobollada dalka—kuwa dhexeba ha u badnaadaane.
Nasiib wanaag, ma jirto sariir kiro ah iyo adeeg lacageed oo laga qaadayo hooyooyinka ku ummula cisbitaalka iyo dadyoowga kale ee u soo adeeg doonta dhammidoodba, sida ay dadku noo sheegeen.
Farriinteyda ugu dambeysa waxa weeye— baahida taalla meesha—waa isbitaalka Benaadir e—ma ahan mid wada daboolmaysa. Si kale haddii loo dhigo: maammulka cisbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadku ma wada buuxi karaan howshaas culus ee miisaanka leh; balse intii Karaankooda ah waa ay dadaaleen. Sidaas aawadeed, qof walba oo naga mid ah—xil sidaas oo kale ayaa saaran, si loo badbaadiyo hooyo Soomaaliyeed iyo dhallaankeeda—kaas oo ay maan-gal tahay in uu qofkii dalkeenna ka waraabin lahaa, harooyinka nabadda iyo kuwa horumarka.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ingiriiska

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

July 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Gobolka Banaadir oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2022 “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga…

GudahaWararka
December 30, 2021

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahinayey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baarlamanka u sheegay heshiis…

GudahaWararka
May 31, 2023

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq Maasuqa “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo maanta ka qeyb galay xuska…

GudahaWararka
December 9, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyay geerida Suuri Diiriye Carab oo ah Xildhibaan hore

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed…

Gudaha
June 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023