Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 25, 2023
11 Min Read
Share

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.  Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaar garowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah  oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina shalay ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa faahfaahiyay xubinnimada Uurukaan, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ku helayso laba faa’iido, isaga oo tan koowaad ku sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay si rasmi ah u heli doonaan xuquuqda muwaadiniinta dalalkaas, wuxuuna xusan faa’idada kale ay Soomaaliya ugu jirta Ururkaan in ay tahay dhanka isu socodka uu ka sii wanaagsanaan doona sida uu hadda yahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahnta Qaranka ayaa ku sheegay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista Urur Gobaleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyey musasabadda ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

Haddaba waxaa si weyn uga falceliyay arrintaasi masuliyiin isugu jira Madax xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka iyo kuwa haya haatan, iyo dad kale, “Waa guul weyn in Soomaaliya ay maanta ka mid noqotay Bahda ku midaysan “Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo fursad u siinaysa dadka Soomaaliyeed in ay helaan suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanaya. Mahadsanid Madaxweyne dadaalkaada soo bilowdey tan 2016-kii kuna soo gabagaboobey guusha maanta 2023-ka. Sidoo kale waxaa Ammaan iyo bogaadin mudan ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee ururka bulshada Bariga Afrika Md. Cabdisalaam Hadliye Cumar, khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya”, sidaasi waxaa Bartiisa Facebook-ga ku soo qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

“Qaan-gaarnimadiisa Siyaasadeed ayaa sabab u ah Guusha Maanta iyo kuwa kasii faaiidada badan ee aan filanayno Maalmaha soo socda insha allaah. Madaxwaynuhu waxa uu u mahadceliyay Hogaamiyayaasha Gobalka ee saaxiibadiis ah ka dib markii ay ansixiyeen codsigiisii” ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u dirtay hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta dalkoodu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Bulshada Bariga Afrika – waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada Soomaaliya ee saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda. Hambalyo.

“’HADDAAD GARATO WAA GUUL’. Soomaaliya oo ka mid noqotay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaal badan ka dib markii la aqbalay codsigiisa. ‘Guul Ninkii holliyaa helee waa Howl lagu Guleystay waana fursad Soomaalidu ka faa’iidi karto”, sidaasina waxaa yiri:- Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka Abwaan Cusmaan Cabdulle Guure.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa isagana oo ka hadlaayay guusha Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka gaartay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika ayaa ku biiriyay codkiisa “Waxaan bogaadinayaa dadaalka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ee ka mid noqoshada Bulshadda Bariga Afrika. Waxaan hubaa in uu Madaxweyne HASSAN SHEIKH MAXAMUUD  uu xaqiijiyay Oraahdii Eheed Soomaali Heshiis ah Dunidda Heshiis la ah, gaar ahaan Bariga Afrika Heshiis la ah”.

Raii’sulwasarihii hore ee XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista  Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Qoraalka Raii’sulwasaraha ayaa u qornaa sidaan. “Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika. Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.

“Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah”.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raii’sul-wasaarihii hore ee Dalka ayaa isna Boggiisa TWETER  (X) ku qoray farriintani “ waxaan ugu hambalyeeynayaa Dowladda iyo Shacaba Soomaaliyeed ku biirista Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika EAC waxay horseedi doontaa isbedel weyn oo ku yimaada isu socodka Dadkeenna iyo badeecadaheenna guud ahaan Gobolka”.

“Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan,  ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga. Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika”, Kaasina waa Shiikh Shariif Sh.  Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay ugu hambalyeynaysaa Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). Hey’addu waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Hassan Sheikh Mohamud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan Ummadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisan tahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.

Haddaba maxay ka faaideysa Soomaaliya? Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa waxa ku nool in ka badan 200 oo Milyan oo qof, taasi oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

DFS oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar

MuMuqdisho SONNA;-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay…

GudahaWararka
November 24, 2024

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂-𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗹𝗸𝗮 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗲𝗲𝗷𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska…

GudahaWararka
February 4, 2023

RW Xamse oo uga tacsiyeeyay dowladda Turkiga dadkii ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane  Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa maanta tagay safaaradda…

GudahaWararka
February 9, 2023

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka:

Qormadan waxay isugu jirtaa, Ku baaqid wax ka qabasho iyo Dib-u-eegis ku saabsan Xaaladda Deegaanka iyo Cimilada ee Soomaaliya. _______________________________________…

GudahaWararka
June 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023