Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha Soomaaliya oo xubnaha 2-da Aqal xalay ku maamuusay kulan afur ah
    March 6, 2026
    Kaaraan iyo Deyniile oo u gudbay wareegga 3-aad ee tartan cilmiyeedka Ramadaanka
    March 6, 2026
    Wasiirka Dekaddaha XFS oo ka mahad celiyey ansixinta heshiiska fududeynta Gaadiidka ee Badaha
    March 5, 2026
    Golaha Wasiirrada XFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qodobbo kale
    March 5, 2026
    Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo dhoweysay ansixinta dastuurka
    March 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo ka qeyb gashay kulanka Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Masar+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya oo ka qeyb gashay kulanka Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Masar+Sawirro
Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay kulanka Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Masar+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 24, 2019
2 Min Read
Share

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane; Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta.

Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortagga dembiyada abaabulan, sharciga ka hortagga Argagixisada, sharciga la dagaallanka musuq-maasuqa,cirib tirka Lacag dhaqista , hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah, dhibaatooyinka ka ganacsiga Dadka iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah.

Wasiirka ayaa madasha kulanka Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta u sharraxay horumarka laga gaaray shuruucdaasi lasoo bandhigay, isagoo sheegay in la geeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa xusay in ay halkaasi kulan gaar ah kula yeesheen, xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, isagoo sheegay in ay guddoonsiiyeen shahaado sharaf ku aaddan kaalinta fir-fircoon ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta ayuu sheegay in ay ku heshiiyeen in ay samaystaan Machad ay wadaagaan waddamada ku bahoobay Ururka, kaas oo lagu diyaarin doono shuruucda u gaarka ah iyo majallo lagu qoro arrimaha Carabta.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Qadar, waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan iyadoo ay kulankaasina ka maqnayd oo keliya Dowladda Suuriya.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo xubnaha 2-da Aqal xalay ku maamuusay kulan afur ah

Muqdisho, Maarso 05, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan affur…

March 6, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Britain oo qaabbilaysa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah

London-(SONNA)-Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhowaaqday qorshe ay dib u dejin ugu samaynayso 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo…

CaalamkaWararkaWargayska
August 18, 2021

Wafdi ka socda dowladda federaalka oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Beledxaawo

Beledxaawo(SONNA):-Xildhibaan Baale Ibraahim Cabdi oo ka tirsan BFS, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax iyo saraakiil…

GudahaWararka
August 1, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhagax dhigay xarunta gurmadka gargaarka deg degga ah

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo…

GudahaWararka
June 11, 2023

Wasiir Fiqi oo Muqdisho ka daah-furay shirka wada tashiga Qaran ee Hindise sharciyeedka diiwaan gelinta madaniga ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan…

GudahaWararka
March 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023