Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Xarunta Ilaalinta Rayidka ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika ee hay’adda, Mudane Vianney Bisimwa. Kulanka intii uu socday, Wasiirka iyo Mudane Bisimwa ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ku aaddan ilaalinta bed-qabka rayidka, yareynta waxyeellada rayidka xilliyada hawl-gallada ciidan, iyo horumarinta hab-raacyo waafaqsan xeerarka dalka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Heshiiskan ayaa taageeraya hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka xilliyada Hawl-gallada Ciidan iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah. Waxa kale oo uu heshiisku xoojinayaa tababarka, wacyigelinta iyo awood-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, si loo xaqiijiyo in hawl-gallada loo fuliyo si waafaqsan sharciga, xirfad sare, taxaddar, isla-xisaabtan iyo ilaalinta karaamada rayidka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay mudnaan gaar ah siineyso ilaalinta bed-qabka rayidka, isagoo xusay in siyaasaddan ay ka tarjumeyso sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dhammaan hawl-gallada amniga lagu hago ilaalinta nolosha, karaamada, xuquuqda iyo bed-qabka shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ka go’an xoojinta ilaalinta bed-qabka rayidka, kor u qaadista kormeerka iyo isla-xisaabtanka hawl-gallada ciidan, iyo la-shaqeynta hay’adaha qaranka, bulshada rayidka iyo saaxiibbada caalamka, si dib-u-habeynta hay’adaha amniga Soomaaliya loogu saleeyo hannaan waafaqsan sharciga, isla markaana ku dhisan mas’uuliyad iyo kalsooni dadweyne.
Munaasabadda saxiixa waxaa dhanka Wasaaradda goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda; halka dhanka Xarunta CIVIC ay ka socdeen Agaasimaha CIVIC ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Ibrahim, Danjire Maman Sambo Sidikou, S/Gaas Bashir Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.
