Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde
    April 25, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah
    April 25, 2026
    Soomaaliya oo hirgelisay ilaalinta siyaasadda bedqabka Rayidka Xalliyada Colaadaha
    April 25, 2026
    Guddoomiyaha Aqalka Sare “Munaasabad dhaqan oo tan lamid ah weligey ma’arkin, wana astaan muujineyso midnimo”
    April 25, 2026
    Ka Qeybgalka Madaxweynaha ee Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq: Fariin Mideyn, Dhaqan iyo Dowladnimo Isku Sidkan
    April 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 25, 2026
3 Min Read
Share

 

Muqdisho,(SONNA);- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi qaran ah si loo horumariyo Qaab-dhismeedka Maareynta Khataraha iyo Habraaca U-hoggaansanaanta Amniga Saaybarka, kaas oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka socda hay’adaha dowladda, bahda waxbarashada, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo khubaro farsamo.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo talooyin iyo aragtiyo lagu horumarinayo hannaan dhammaystiran oo xoojiya amniga saaybarka dalka, ilaaliya kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka ah, isla markaana xaqiijiya maareynta khataraha iyo u-hoggaansanaan wax ku ool ah oo ka dhex jirta dhammaan qaybaha.

Isagoo ka hadlay kulanka, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka hadlay muhiimadda in si qoto dheer loo eego dukumentiyada: “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay waqti geliyaan, si taxaddar leh u eegaan dukumentiyadan, si qoto dheer u falanqeeyaan, una soo gudbiyaan aragtiyo dhammaystiran oo ku saabsan qodob kasta.”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Axmed Diiriye, oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa muujiyay muhiimadda sii kordheysa ee amniga saaybarka xilli ay teknoolojiyaddu si weyn u saameyneyso nolosha:
“Adeegsiga teknoolojiyadda waa mid si joogto ah u kobcaya, wuxuuna saameyn ku leeyahay dhinacyo badan oo nolosha ah sida waxbarashada iyo ganacsiga. Haddii aan laga gaashaaman, horumarradu waxay keeni karaan khataro. Sidaa darteed, dejinta hannaanka maareynta khataraha iyo habraaca u-hoggaansanaanta amniga saaybarka waa mid muhiim ah. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa loo xilsaaray inay hoggaamiso dadaalkan iyada oo matalaysa dowladda.”

Kulanka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha si loo wajaho khataraha sii kordhaya ee saaybarka loona dhiso nidaam dhijitaal ah oo adkaysi leh. Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen aqoonsiga khataraha, habraacyada u-hoggaansanaanta, iyo doorka hay’adaha kala duwan.

Kulanka ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee dadaallada isku-dubaridka ah ee wax looga qabanayo qataraha amniga saaybarka ee soo kordhaya iyo dhisidda nidaam dhijiitaal ah oo adkeysi leh. Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen aqoonsiga khataraha, habraacyada u-hoggaansanaanta, iyo kaalinta hay’adaha kala duwan.

Natiijooyinka ka soo baxa kulankan wadatashiga ah ayaa gacan ka geysan doona dhammeystirka hannaanka Maareynta Khataraha iyo Habraaca U-hoggaansanaanta Amniga Saaybarka, kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta amniga dhijitaalka ah ee dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad…

April 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Eedeysanayaal loo soo xiray weerar ay ku qaadeen saldhigga degmada Cabdicasiis

Muqdisho (SONNA): Hay'addaha amaanka Caasimadda ayaa Howlgalkii shalay ka dhacay Degmada Cabdicasiis kusoo qabtay 3 eedeysane oo mid kamida dhaawac…

GudahaWararka
February 12, 2025

Soomaaliya oo ka qayb gashay mashruuca caalamiga ah ee isku dhafka dhaqanka iyo Gaadiidka

Kunming(SONNA):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay mashruuca muhiim ka ah  ee isku dhafka Gaadiidka iyo…

GudahaWararka
September 20, 2025

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuudiga  oo ka qeybgalay mahrajaan sanadeed ka dhacay Jiddah   

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa ka qeybgalay  mahrajaan sanadeed ka dhacay Magaalada Jiddah oo kagu soo bandhigayey…

Gudaha
January 20, 2023

Sacuudiga oo billaabay dhaqangelinta ganaaxa dadka aan heysan fasaxa xajka

Muqdisho(SONNA):-Hay'adaha Ammaanka guud ee Sacuudiga ayaa billaabay dhaqangelinta la xisaabtanka dadka ku xad-gudbay xeerarka xajka iyo awaamiirta ee lagu qabto…

CaalamkaWararka
June 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023