Baydhabo,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga qeyb galay munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray Xildhibaanada cusub ee maanta loo dhaariyey mas’uuliyadda loo igmaday, asigoo Alle uga baryey inuu ku guuleeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyey Xildhibaanada in ay si daacadnimo, hufnaan iyo xilkasnimo leh ugu adeegaan shacabka, isla markaana ka shaqeeyaan horumarka, midnimada iyo danta guud ee bulshada iyo deegaannada Koonfur Galbeed.
