Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, taasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hambalyo, bogaadin iyo duco u diray Ugaas Cabdirisaaq, isaga oo u rajeeyay in hoggaamintiisa dhaqn uu xoogga ku saaro kaalinta muhiimka ah ee dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xalinta khilaafaadka iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
“Sida munaasabaddani u kulmisay guud ahaan haldoorka bulshada soomaaliyeed, waxa ay tusaale u tahay in dadkeennu ay ka mideysanyihiin wada-dhalashada, diinta suubban, dhaqanka wanaagsan iyo isirka soomaalinimo, waxaana ahmiyad gaar ah siinaynaa wada shaqeynta hoggaanka dhaqanka, maadaama ay laf dhabar u yihiin dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo xasilloonida dalka”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay Boqorada, Ugaasyada, Imaanyada, Malaaqyada iyo hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee Munaasabadda kasoo qayb galay in ay waqtigooda u huraan mideynta bulshada iyo ilaalinta qiyamka suuban ee ummadda soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan, barwaaqo ah oo mideysan.
