Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
    March 10, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka
    March 10, 2026
    Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen
    March 10, 2026
    Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
    March 10, 2026
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shamso” Al-shabaab waxay dileen Aabahay, Walaalkay iyo Adeerkey, waliba lacag baad ah ayay na dul dhigeen,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shamso” Al-shabaab waxay dileen Aabahay, Walaalkay iyo Adeerkey, waliba lacag baad ah ayay na dul dhigeen,”
Maqaallada

Shamso” Al-shabaab waxay dileen Aabahay, Walaalkay iyo Adeerkey, waliba lacag baad ah ayay na dul dhigeen,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: March 19, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Shamso Maxamed Ceel Jooge, waxay dhibane u tahay Kooxda Khaawrijta Al-shabaab, waxayna ka dileen Aabaheed, Walaalkeed iyo Adeerkeed, intaas ugama sii harin ee waxayna dul dhigeen lacago baad ah oo gaaraya 7-kun oo dollarka Mareynkanka.

Shamso hadda waxay qeyb ka tahay ciidamada dib-u-xoreynta galbeedka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay argagixisadu ku wajaheyso ciqaab adag oo ka dhalatay caburin iyo gumaad joogta ah oo ay shacabka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ku hayeen.

Sidoo kale, Shamo Maxamed Ceel Jooge oo ah gabadh dhiiran ayaa ka qeyb qaadatay howlgallo ay ciidamada dib-u-xoreynta kula wareegeen deegaanno badan oo dhaca galbeedka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Mar ay warbaahinta qaranka la hadahay Shamso waxay sheegtay in iyadoo ganacsato ah ay door biday in cadowga mahadhada ku reebay ka difaacdo nafteeda,maalkeeda iyo waliba walaalaheeda kale ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Shamso waxay gabdhaha kale ee asaageeda ah ugu baaqday in ay yimaadaan furimaha hore ee cadowga lagula dagaalamayo, halkaas oo ay taalo xaqiiqda dhabta ah ee lagu wajahayo kooxda Khawaarijta ee banneystay dhiiga ummadda musliimta ah ee Soomaaliyeed.

“ Dowladda sharafta leh ee maanta halkan nagu soo salaantay, Wiilasheenna macaawisleyda, ciidamada kale ee dowladda waa mahadsan yihiin, aniga Al-shabaab Aabahey ayay dileen ma garatay, god Allaala iyo godkii ay galaan inaan uga daba gala ayaa jeclahay,wiil iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed oo Al-shabaab godob ka gashay ha imaadaan ayaa dhihi lahaa,” ayay tiri geesiyad Shamso Maxamed Ceel Jooge.

Waxay hadalkeeda intaas ku dartay in aysan dib u laabaneyn, islamarkaana argagixisada halkii ay gasho uga daba geli doonto. Khawaarijta ayaa sidoo kale, dhacay hantida qoyska ay Shamso ka soo jeedo sida ay markale sheegtay.

“ Dhibaato badan ayay inoo geysteen, Geel waa naga dhaceen,Aabahey oo maskiin ah oo ganacsanaayo ayay dukaankiisa ku dhex dileen, intaas oo ciidan ayay ku soo weerareen, wax arxan oo ay inoo sameeyeen malahan, Aabahey xittaa marka ay dileen 7-kun oo dollar oo baad ah ayay naga qaadeen, Adeerkey iyo Walaalkey xittaa waa ay dileen, asxaan nooma falin Al-shabaab aan iska reebno,”.

Dhibaatada argagixisada ay u geysato Shacabka Soomaaliyeed waa bad, waxayna hadda dhadhimanayaan qaraarka natiijada ka dhalatay falalka guracan ay Bulshada ku hayeen.

Waxaa hadda ku socdo dagaal xooggan oo u jeedkiisu uu yahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada fara ku tiriska ay ku hareen. Ciidamada xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgallada lagu naafeynayo argagixisada loogana hortagayo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa si habsami leh uga bilaabatay maanta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas…

March 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dardar galka howlgalladda ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)

Ciidanka Xoogga Daka Soomaaiiyeed waxa uu beryahaan wadaa howlgallo ku socda xowle, kaasi oo lagu xoreynayao deegaannada ay weli ku…

GudahaMaqaallada
December 25, 2023

Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Qurbejoogta Soomaaliyeed waxay bulshadda Soomaaliyeed ugu jiraan kaalin muhiim ah,hore xiliyada abaarraha,ama ay dhacaan aafooyinka dabiiciga ah waxa gurmadka iyo…

MaqaalladaWararka
February 16, 2023

Todobaadka Xorriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka

Waxaan ku guda jirnaa todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya,sidaa daraadeed,waxaan soo qaadan doonaa qeyb kamid ah halgasnkii dadka Soomaaliyeed ay u…

GudahaMaqaallada
June 25, 2024

Wasaaradda waxbarashada XFS oo diyaarisay qorshe lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalkeenna (Jaamacadaha)

Muqdisho.(SONNA):- Waxabarashu waa furaha horumarka bulsho. Waddan kasta oo aduunka horumar gaaray, waxbarasho tayo leh ayuu ku gaaray. Haddii si…

Maqaallada
February 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023