Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.
MaqaalladaWararka

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

By Agaasimaha SONNA
Last updated: March 15, 2021
2 Min Read
Share

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo caawa ku geeriyoodey magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gudbiyey marxaladihii adkaa, isaga oo door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, xasilloonida, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.”

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa…

July 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha shacabka oo maanta akhrinta labaad marsiinaya sharciyo muhiim ah

Muqdisho:(SONNA)-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta kumeel gaarka Villa…

Wararka
July 15, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay xiddigihii Afrika ee kubadda cagta

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda…

GudahaWararka
May 28, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo daah furay hindise sharciyeedka difaaca Qaranka

  Muqdisho (SONNA): Wasiirka wsaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda…

GudahaWararka
July 4, 2023

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐮𝐮𝐦 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐫𝐞𝐞𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞

Muqdisho,(SONNA):-Simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad…

GudahaWararka
March 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023