Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Dekadaha
    April 22, 2026
    Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka
    April 22, 2026
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Shacabka deegaanka Guulane oo taageeray howlgallada Khawaarijta Dalka looga xoreynayo (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shacabka deegaanka Guulane oo taageeray howlgallada Khawaarijta Dalka looga xoreynayo (Warbixin).
Maqaallada

Shacabka deegaanka Guulane oo taageeray howlgallada Khawaarijta Dalka looga xoreynayo (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 26, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNNA):- Saraakiisha ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka Guullane, barbaarta gaashaaman, abwaanno,dhallinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyay deegaankaas saraakiisha wacyigelinta Ciidamada Xoogga Dalka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa furimaha hore ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaatijta Al-shabaab.

Waxaanna ugu horeyn goobta, shirib lagu cabirayay halganka lagula jiro Khawaarijta iyo gumaadka ay shacabka ku hayaan ka soo jeediyay abwaannada iyo waxgaradka deegaanka Guullane.

Qaar ka midnah odayaasha dhaqanka deegaanka, saraakiisha xaq-u-dirirka iyo guddoomiyaha deegaanka Guullane oo goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay guud ahaan madaxda Dalka iyo sida markasta heegan ugu yihiin in Dalka laga xoreeyo Khawaarijta.

” Mahad Allaa iska leh, reer Guullane waxay ku faraxsan yihiin guusha laga gaaray Khawaarijta, waxaana madaxda qaranka u sheegeynaa in reer Guullane qeyb ka qaateen sidii Dalka looga xoreyn lahaa cadowga,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka oo goobta ka hadlay.

Sidoo kale, mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri ” Dowlad la’aan waa dhib, Dowladda maanta noo timid kor Alle haka dhigo ayaa leennahay,”.

Ugu dambeyn, saraakiisha wacyigelinta ciidamada xoogga dalka ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen reer Guullane, iyagoo dadka deegaanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan halganka ay kula jiraan Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo ah koox maafiyo ah oo shacabka Soomaaliyeed dil, qarxin iyo gumaad joogta ah ku haya in ka badan 15-sanno, waxayna hadda u muuqdaan kuwo gabalkooda sii dhacayo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Dekadaha

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska 20-ka Disembar ee Maalinta Ciidanka Boliiska (warbixin)

Muqdisho(SONNA):- 20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)

Beryahaanba waxaa jiray far isku tag ka dhex aloosnaa Dowladaha Soomaaliay iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan damac gurracan oo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 11, 2024

Farxaan”qaraxii Soope 14 October ayey ku dileen aabahay”

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta ah ee Al-shabaab waxay Shacabka Soomaaliyeed badeen dhibaato xanuun badan oo saamaysay dhan walba oo nolosha ah,kooxda khawaariijtu…

MaqaalladaWararka
March 30, 2023

Cududdii dhameystiri laheyd Khawaarijta oo soo bilowday (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa hadal heyn weyn ka jirtay soo bilaabashada Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku maqnaa Dalka Eretareeya, kuwaasi wel wel weyn…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023