Muqdisho,(SONNA):- Siddeed bilood ka hor, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa howlgal culus ku qaadday deegannada Khawaarijtu ay ka joogaan dalka si looga dulqaado bulshada ay dhibaato ba’an ku hayeen.
Si fudud ayay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya waxaa u suurta gashay in ay ka xoreeyaan deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ku dhow 15-sano shacabka ku gumaadi jireen.
Howlgalkan lagu ciribtirayay Khawaarijtu wax qeyb ah kama ahayn ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku ekaa xeryaha ay degan yihin.
” Halka Ssano ee Al-shabaab lala dirirayay oo la daciifiyay waa tan abuurtay yididiilada cusub oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku qabi karaan in waqti kooban lagu soo afjaro Khawaarijta Al-shabaab,” ayuu yiri Xuseen macallin oo ah lataliyaha amniga qaran madaxweynaha.
Guulaha ciidamada qaranka ay ka gaareen howlgallada isugu jiray xoreynta Khawaarijta iyo xaqiijinta amniga magaalooyinka ka bad-qaba argagixisada, adduunka, sawir ceynkee ah ayuu ka qaatay isku filnaashaha ciidankeennu?.
” Intii ay Al-shabaab jireen Dowlad Soomaaliyeed waa ay is-hayeen, guulo hore looga soo gaarayna waa jirtay, laakiin, marka loo barbar dhigo record ka waqtiga ee halka sano, dhulka laga xoreeyay, waliba waayadii markii koowaad iyadoo aanan taageero ciidamada ajanabiga oo toos ah laga helin in Dowladda Soomaaliya, iyada iyo ciidankeeda iyo shacabkeeda in dhul aad u ballaaran awoodday in ay ka xoreysay, taas oo aad u dhiiragelisay dowladihii ajaaniibta ahaa ee Soomaaliya daneynayay nabadeeda in ay ku soo dhiiradaan in taageeradii ay siinayaan Soomaaliya iyo ATMIS in ay dalka u soo wareejiyaan,”,.
Markii uu guuleystay wajiga koowaad ee ciribtirka howlgalka Khawaarijta waxaa jirtay in Dowladda ay gashay is abaabul hor leh, balse taas waxay keentay hadal hayn hor leh oo dhanka Bulshada ah.
Sidoo kale, Taliyaha amniga qaranka madaxweynaha JFS Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh ayaa xaqiijiyay in uu socdo diyaargarowga wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.
” Bilihii dambe, dhammeystirka wajiga koowaad, yara gaabis galay wax jiro waaye, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in diyaargarowgeedii hadda dhammeystiran tahay, inaan maalin hebel ku dhihi karin, laakiin hadda in aysan jirin wax ka dhiman in howshaas la qaado oo go’aan ragga howsh galaayo ay ka dhiman tahay kaliya”.
Ciidamada ATMIS in ay ka baxaan Soomaaliya miyey ku xiran tahay in loo awood sheegto argagixisada Al-shabaab oo hadda dagaal ay kula jiraan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?.
Dowladda Soomaaliya waxaa sanadkan iyo sanadka soo ssocdaba hortaalla labo fursadood oo ay ku bixi karaan ciidamada Midowga Afrika ee “ATMIS”, waa midda koowaadee in Dowladda Soomaaliya ay ka guuleysato Khawaarijta Al-shabaab iyo midday labaad oo ah in Dowladdu ay diyaariso ciidamo hannan kara ammaanka Dalkooda.