Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.
GudahaMaqaalladaWararka

Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.

By Bile
Last updated: January 18, 2023
5 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-kooxda argagixisada ah ee khawaarijta ee dullaanka ku soo qaadday dalka haatanna dabar go,a ku dhow ayaa laga calaameeyay ficillo iyo astaamo hor leh. khawaarijtu waxa ay ku gamban jireen diinta Islaamka, iyagoo iska dhigi jiray koox rabta xukun ku salaysan diinta islaamka oo mar walba waxaa ay ku doodi jireen inay ka soo horjeedaan qawaaniinta ka hor imaanaya shareecada ummadda Muslimiinta ah. inkastoo fahan dheer laga heystay kooxaha argagxisada ah afkaartooda iyo dhaqamadooda gurracan, haddana khawaarijtu 15 kii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ummadda Soomaaliyeed ku marin habaabin jireen ka been abuurashada Diinta iyo shareecada Islaamka, balse waxaa ay huwanaayeen afkaaro, dhaqammo iyo ujeeddooyin ugu dambeyn soo banbaxay.

Argagixisadu marka laga yimaado ficillada gurracan oo ay kula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee dilka, gumaadka, qaraxyada iyo baadda ah ee ka hor imaanaya diinta islaamka waxaa u dheer beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada, dugsi qur’aanka, goobaha tacliinta lagu barto iyo waliba xarumaha taariikhiga ah ee raad-raaca u ah diinta, dhaqanka iyo Sooyaalka ummadeed, taas oo lagu fasiray isir baabi’in ama aasidda taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxaana la fahansan yahay inay ku lug leeyihin gacmo shisheeye oo la diriraya sooyaalka ummaddan ee facaweyn.

Burburinta Raadadka Islaamka iyo baabi’inta goobaha cibaadada waa sifo kamid ah sifooyinka lagu yaqaan kooxaha argagixisada ee ka jira dalal kala duwan, dagaallada qarsoon ee kooxaha Araggaxisidu ku jiraan ayaa iftiiminaya in gacmo kale ku jiraan, waana sababta loo arkayo inay burburinayaan oo ay duugayaan sooyaalka iyo goobaha cibaadada ee soo dhisnaa wax ka badan qarni iyo 3000 oo sano.

Waxaan tusaale u soo qaadaneynaa kooxda daacish markii ay Suuriya iyo Iraq ka soo shaac baxeen waxaa ay beegsi ku bilaabeen iyo inay burburiyaan dhismayaal iyo Aasaar taariikhi ah oo ay ka taageen xadaaraddii Musabataaniya iyo kuwii ka horreeyay oo gaaraya illaa Nabi Nuux sida Sooyaalka lagu dhigay.

Gaar ahaan waxaa ay burburiyeen magaalada “PALMIRA” ee Syria oo ay hey’adda UNESCO u taqaan magaalada leh dunida oo dhan raadadaka ugu fog kuwaas oo aysan taaban maamuladdii iyo xukunadii kale ee ka horreeyay. khilaafadii Islaamku si lamid ah ma taaban wax Aasaar ah oo ay ugu yimaadeen dunida oo dhan sidoo kale khilaafadii Cusmaaniyiinta ayaanan burburin goob sooyaaleed oo dhisneyd, taas oo ka dhigan illaalinta taariikh dhul iyo ummadeed.

kooxda xagjirka ah ee khawaarijtu markii ugu horreysay waxaa ay faageen oo ay burburiyeen qabuurihii culimada Islaamka ee Soomaaliya keenay Diinta, iyagoo ku sheegaya shirki iyo sheeko been ah, si lamid ah beegsiga kooxdu uma kala soocnayn goob cibaado, mid Taariikheed iyo waliba waxbarasho oo dagaal safmar ah iyo baab’in ayey ku hayeen si lamid ah sida ay u laayaan bulshada, waxaana laga dheehanayaa ujeedooyinka gurracan ee marinta Ummadda iyo Sooyaalkeeda.

Masaajida, dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha waxbarashada ee kale waxaa ay u beegsadaan oo ay u xiraan inaanan la fahmin marin habaabintooda iyo ka been abuurashada diinta, haddii la xiro dhammaan goobahan, waxaa ay bulshadu u nugleynaysa inay raacaan fikradaha qaldan oo ay wataan sidoo kalena waxaa adkaaneysa in bulshadu hesho aqoon maadama lagala dagaallamay dhan walba oo waxbarasho ah.

15-kii bishaan khawaarijtu waxaa ay si cad u beegsadeen masjid taariikhi ah oo ku yaal degmada Buulo Barde kaas oo la dhisay 1936-kii, dad shacab ah oo ku cibaadeysanayey, iskuna diyaarinayay salaadda duhur ayaa qaarna ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen kadib markii argagixisadu ku weerartay masjidka qaraxyo lagu soo raray gawari taas oo ka dhigan in kooxdan xagjirka ah aysan u kala soocneyn dad, duunyo iyo dhulba.

Masaajidka ugu weyn degmada Buulo Barde oo la dhisay sida Sooyaalka lagu hayo 1936-kii, waa xarun waxbarasho oo leh taariikh fog, waxaa ka soo aflaxay oo wax ku soo bartay culimo badan oo Soomaaliyeed. waqtu dheer ayuu ahaa xarun diimeed oo goboladda dalka looga soo waxbarasho doonta sida ay nala wadaagen dad waay-arag ah. Beegsiga masjidkan iyo xarun diimeed oo sidaas taariikh dheer u leh ayaa ka dhigan in kooxda uu gabalkeedu sii dhacayo ay dooneyso inay tirtirto raadraaca ummadda Soomaaliyeed. Baraarug dhan walba ah ayaa bulshadu bilawday, kacdoono iyo dagaallo dowladu hoggaamineyso oo guulo waa weyn laga gaaray ayaa dhan walba kaga furmay.

TAGGED:Dilka Xasuuqa Qaraxyada iyo dhaca Bulshada waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhowaysay Taageero Midowga Yurub u fidiyey ciidanka Xoogga

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay taageero Maaliyaddeed oo midowga Yurub u fidiyey Ciidamada Qaranka Soomaaliya,midowga Yurub ayaa sidoo kale u…

GudahaWararka
November 29, 2023

Shaqaalaha Dowladda oo xuska bisha Mowliid awadeed la fasaxay

Wararka
November 8, 2019

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida xil Aadan Cali Xasan

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed ayaa tacsi u diray Xildhibaan Aadan Xasan Cali jamhuriya oo ku geeriyooday…

Wararka
April 18, 2020

Golaha amaanka ee qaramada midoobe oo cunaqabateyn saaray sadax hor jooge oo ka tirsan argagaxisada shabaab

Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan…

Wararka
February 27, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023