Muqdisho (SONNA)-Raโiisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed {SONNA} oo dib u dhis lagu sameeyay.
Raโiisul wasaare Xamse ayaa sheegay in howl wadeennada Warbaahinta Qaranka ay yihiin Naftood Hurayaal u taagan isku xirka dowladda iyo bulshadda, isla markaana wargalin iyo wacyi galin ku aadan ilalinta danaha qaranka siiya shacabka Soomaaliyeed.
Raโiisul wasaare Xamseโ Aadbaan ugu bogaadinayaa Warbaahinta Qaranka kaalinteeda dib u xoreynta dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.