Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 13, 2025
6 Min Read
Share

Shalay oo Sabti aheyd Taariikh-duna aheyy 12/4/2025-ka waxaa magaalada laascaanood oo ah caasimada Maamulka Khaatumo state tegay Raโ€™iisul wasaaraha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Bare, iyadoo gaaritaankiisa ay ka dhigneyd mid taariikhiya, kaasi oo la magic baxay Safarka Midnimada.
Kadib 56 sano guuradii ka so wareegtay dilkii foosha xumaa ee magalada laascaano loogu geystay Madaxweynihii labaad ee wakhtiga talada dalka hayey AUN Cabdirishiid Cali Sharmaake,ย  waxaana markii labaad uu booqasho ku tagey Madaxweynihii dowladdii kacaanka aheyd isna AUN Jaalle Mahamed Siyaad Barre, taasi oo ka dhigan in Raโ€™isaal wasaare xamse yahay masuulkii seddexaad ee xil sare ka jooga dalka oo booqasho ku taga magalada laascaanood.

Halgan ku bilowday kacdoon bulsho mudaharaadyo iyo dhagax tuur, isku bedelay xinjiro dhiiga ah maanta laascaanood waxay ku naalooneysaa guul weyn.

MUHIIMADDA SAFARKA rAIISUL-WASAARAHA.
1: Shacabka reer khatumo oo heli kara Midnimadii iyo madax banaanidii ay u soo dagaalameen.
2. Mashaariic horumarin ah in laga dhiso, heyโ€™ado dowlda kaabayaashaan dhaqaalaha. in lagu garab is taago taakuleynta ciidanka iyo mushaharkooda.
3. Dhagax dhigga Garoonka diyaarada laascaanood, islamarkaana la casriyeeyo, dib u habeyna lagu sameeyo.

SIDEE LOO SOO DHAWEEYAY MUDANE XAMSA?

“Farxadda dadka reer Laascaanood Wejiyadooda ka muuqata, soo dhoweynta gobonimada maamuuska leh ee dawladnimo jaceylku ku dheehan tahay waxay ahaayeen sumadda soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha iyo wafdigiisa la siiyey. Hoyga Midnimada iyo gobonimada ayaan soo gaarnay, lama qiyaasi karo isku hilowga ay isu qabaan Dad derbiyadii lagu ooday dumiyey oo dowladdoodii u furmay iyo dowlad heshay Dadkeedii mufdada dheer la isku diiday”, sidaasi waxaa yiri mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

“Samada ayaa soo dhaweynta qeyb ka aheyd oo daqiiqado ka gadaal markii aan soo degnay ayaa roobkii gugu curtay oo korkeena ku hooray- khayr ilaahay isla doontay iyo saacatu ijaaba, dhinac kastoo laga eego bogaadin iyo mahad ballaaran ha idin sugnaato reer SSC Khaatumo Madax, Maamul iyo Shacabweyneba”, ayuu sii raaciyay Mudane Fiqi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay ka degay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa ah booqasho Taariikhi ah oo mas’uul Dowladda Dhexe ka tirsan uu booqdo magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa garoonka waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw ali Firdhiye iyo qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo Bulsha weynta magaalada Laascaanood ee aroornimadii shalayba lagu sii diyaariyay Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Laascaanood, isagoo si kooban dadka goobta kula hadlay waxaana uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu booqashadaan Taariikhiga ah uu ku tago Magaaladaasi oo ka soo kabanaysa colaado in muddo ah heystay, wuxuuna maalmaha soo socda uu baaqi ku sii ahaan doono Ra’iisul wasaare Xamse magaalada Laascaanood, halkaasi uu kulamo kula leeyahay Madaxda SSC Khaatumo iyo wax garadka degaannadaasi.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo ayaa ku tilmaamay booqashada Ra’iisul wasaaraha uu ku tagay magaalada Laascaanood inay maalin weyn u tahay reer Khaatumo waxaana uu xusay inuu soo gababobay 30 sano gooni goosadkii la damacsanaa iyo kala gooynta Soomaalida waxaana uu sheegay in tani ay tahay mid abuureysa midnimada Soomaaliyeed.

” Wuxuu Ra’iisul-wasaaraha u tegay Laascaanood in uu soo abuuro meel loga wada hadli karo khalalaasihii ka dhacay halkaasi oo aan wali la xallin”, sidaasi waxaa yiri:- Dr. Xasan Sheekh Maxamud Madaxweyanaha Jamhuriyadda, isgoo ka hadlaayay Madasha Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee Dalka Turkiga ayuu sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaan arkay ilaa shalay xilli dambe in hadalkan Madaxweynaha ay Dad awalba ka bukay kana xanuunsanayay in Ra’iisaulaha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre uu tago maamulka cusub ee Khaatumo oo haatan la damacsan yahay in dhidibada loo taago, si aysan u dhicin ama u dhalan wax la yiraahdo (khatumo state of Somalia) inay hadalkan ka dhigteen hill una rogeen dhan kale, iyagoo saaray tafsiir ka soo go’ ay Kal daciifa iyo laab Bukta, balse hadalka Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in Ra’iisul-wasaaraha halkaa u tagey in la helo xal ah, lagana wada hadlo khilaafkii halkaa ka dhacay oon wali la xalin.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo, kaasi ayaa diirradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhageystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa heyโ€™addaha dowladda ee bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin, isagoo uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta heyโ€™adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta SSC khaatumo ka dhagax Dhigaya mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka deegaanka, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Safarka Midnimada ee uu Raโ€™iisul Wasaaruhu ku joogo magaalada Laascaanood.

By. C/lahi Ruushย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirsay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Muqdisho(SONNA):-Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah…

GudahaWararka
August 2, 2025

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya…

GudahaWararka
January 10, 2024

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS ย โ€œdadkeennu waxay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadkeennu ay…

Gudaha
November 15, 2024

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daah furtay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha

Muqdisho-(SONNA)-Shirka Madasha Qaran ee Beeraha oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya waa madal Afartii bilba mar…

GudahaWararka
January 19, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023