Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 13, 2025
6 Min Read
Share

Shalay oo Sabti aheyd Taariikh-duna aheyy 12/4/2025-ka waxaa magaalada laascaanood oo ah caasimada Maamulka Khaatumo state tegay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Bare, iyadoo gaaritaankiisa ay ka dhigneyd mid taariikhiya, kaasi oo la magic baxay Safarka Midnimada.
Kadib 56 sano guuradii ka so wareegtay dilkii foosha xumaa ee magalada laascaano loogu geystay Madaxweynihii labaad ee wakhtiga talada dalka hayey AUN Cabdirishiid Cali Sharmaake,  waxaana markii labaad uu booqasho ku tagey Madaxweynihii dowladdii kacaanka aheyd isna AUN Jaalle Mahamed Siyaad Barre, taasi oo ka dhigan in Ra’isaal wasaare xamse yahay masuulkii seddexaad ee xil sare ka jooga dalka oo booqasho ku taga magalada laascaanood.

Halgan ku bilowday kacdoon bulsho mudaharaadyo iyo dhagax tuur, isku bedelay xinjiro dhiiga ah maanta laascaanood waxay ku naalooneysaa guul weyn.

MUHIIMADDA SAFARKA rAIISUL-WASAARAHA.
1: Shacabka reer khatumo oo heli kara Midnimadii iyo madax banaanidii ay u soo dagaalameen.
2. Mashaariic horumarin ah in laga dhiso, hey’ado dowlda kaabayaashaan dhaqaalaha. in lagu garab is taago taakuleynta ciidanka iyo mushaharkooda.
3. Dhagax dhigga Garoonka diyaarada laascaanood, islamarkaana la casriyeeyo, dib u habeyna lagu sameeyo.

SIDEE LOO SOO DHAWEEYAY MUDANE XAMSA?

“Farxadda dadka reer Laascaanood Wejiyadooda ka muuqata, soo dhoweynta gobonimada maamuuska leh ee dawladnimo jaceylku ku dheehan tahay waxay ahaayeen sumadda soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha iyo wafdigiisa la siiyey. Hoyga Midnimada iyo gobonimada ayaan soo gaarnay, lama qiyaasi karo isku hilowga ay isu qabaan Dad derbiyadii lagu ooday dumiyey oo dowladdoodii u furmay iyo dowlad heshay Dadkeedii mufdada dheer la isku diiday”, sidaasi waxaa yiri mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

“Samada ayaa soo dhaweynta qeyb ka aheyd oo daqiiqado ka gadaal markii aan soo degnay ayaa roobkii gugu curtay oo korkeena ku hooray- khayr ilaahay isla doontay iyo saacatu ijaaba, dhinac kastoo laga eego bogaadin iyo mahad ballaaran ha idin sugnaato reer SSC Khaatumo Madax, Maamul iyo Shacabweyneba”, ayuu sii raaciyay Mudane Fiqi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay ka degay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa ah booqasho Taariikhi ah oo mas’uul Dowladda Dhexe ka tirsan uu booqdo magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa garoonka waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw ali Firdhiye iyo qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo Bulsha weynta magaalada Laascaanood ee aroornimadii shalayba lagu sii diyaariyay Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Laascaanood, isagoo si kooban dadka goobta kula hadlay waxaana uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu booqashadaan Taariikhiga ah uu ku tago Magaaladaasi oo ka soo kabanaysa colaado in muddo ah heystay, wuxuuna maalmaha soo socda uu baaqi ku sii ahaan doono Ra’iisul wasaare Xamse magaalada Laascaanood, halkaasi uu kulamo kula leeyahay Madaxda SSC Khaatumo iyo wax garadka degaannadaasi.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo ayaa ku tilmaamay booqashada Ra’iisul wasaaraha uu ku tagay magaalada Laascaanood inay maalin weyn u tahay reer Khaatumo waxaana uu xusay inuu soo gababobay 30 sano gooni goosadkii la damacsanaa iyo kala gooynta Soomaalida waxaana uu sheegay in tani ay tahay mid abuureysa midnimada Soomaaliyeed.

” Wuxuu Ra’iisul-wasaaraha u tegay Laascaanood in uu soo abuuro meel loga wada hadli karo khalalaasihii ka dhacay halkaasi oo aan wali la xallin”, sidaasi waxaa yiri:- Dr. Xasan Sheekh Maxamud Madaxweyanaha Jamhuriyadda, isgoo ka hadlaayay Madasha Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee Dalka Turkiga ayuu sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaan arkay ilaa shalay xilli dambe in hadalkan Madaxweynaha ay Dad awalba ka bukay kana xanuunsanayay in Ra’iisaulaha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre uu tago maamulka cusub ee Khaatumo oo haatan la damacsan yahay in dhidibada loo taago, si aysan u dhicin ama u dhalan wax la yiraahdo (khatumo state of Somalia) inay hadalkan ka dhigteen hill una rogeen dhan kale, iyagoo saaray tafsiir ka soo go’ ay Kal daciifa iyo laab Bukta, balse hadalka Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in Ra’iisul-wasaaraha halkaa u tagey in la helo xal ah, lagana wada hadlo khilaafkii halkaa ka dhacay oon wali la xalin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo, kaasi ayaa diirradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhageystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda ee bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin, isagoo uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta SSC khaatumo ka dhagax Dhigaya mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka deegaanka, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Safarka Midnimada ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku joogo magaalada Laascaanood.

By. C/lahi Ruush 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta Al-shabaab oo dhib badan u geysta dhalinyaradda ay qaldeen

Muqdisho(SONNA);-Khawaarijta Al Shabaab waxay kala Go’doomiyeen Walidiinta Soomaaliyeed iyo Caruurta ay dhaleen kuwaas oo maskaxda ay ka xadeen una adeegsadaan…

Maqaallada
April 3, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Moqikori kulan kula qaatay ciidanka Macawisleyda

Moqikori (SONNA): Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan taliyaha Ciidanka Qalabka Sida iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada…

GudahaWararka
March 19, 2025

Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee QM

Beijing, (SONNA):- Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Mudane Cawaale Cali Kullane, iyo Danjireyaasha Dalalka Belgium iyo Pakistan ayaa ah sadexda…

GudahaWararka
June 14, 2023

Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi soo baarah dadkii Amisom ay ku laysay Golweyn.

MUQDISHO (SONNA)- Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ugandha ayaa sheegay…

GudahaWararka
August 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023