Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo
    May 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya “Sawirro”
Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 14, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lagu lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sanadka cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu inuu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada, laguna gaari karo xasillooni iyo horumar taaba qaada.

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh”.

Eng. Rooble ayaa xusay Dhismaha Golaha adeegga garsoorka marka uu soo dhammaado in ay fududaan doonto dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

“Sidoo kale, Golaha Wasiirrada iyo Golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah; Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka musuqmaasuqa, Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay bahda cadaaladda in ay musuqmaasuqa ka fogaadaan, noqdaana kuwa loo soo ordo ee aysan noqon kuwii laga cararayey.

“Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga iyo xaqiijinta cadaaladda.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, si kor loogu qaado xuquuqdooda, tanoo looga fogaanayo laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo Munaasabad kaga qeyb galay K/Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika Amb Maxamed Sheekh Isaaq ayaa maanta kaga qeyb galay Magaalada…

GudahaWararka
January 10, 2026

Wafdi uu hogaaminayo maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (SONNA): Wafdi uu hoggaaminayo maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Sucuudiga 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐌𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝 oo casuumaad rasmi ah…

GudahaWararka
January 14, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa hoygiisa ku martiqaaday madax iyo…

GudahaWararka
October 12, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 25 ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA):-Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibbada Caalamiga ah ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 25 dhagarqabe…

GudahaWararka
August 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023