Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ‘Qarax ku gaad ayay is lahaayeen, iyagaasi ku go’ay’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Qarax ku gaad ayay is lahaayeen, iyagaasi ku go’ay’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWargayska

‘Qarax ku gaad ayay is lahaayeen, iyagaasi ku go’ay’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 13, 2023
6 Min Read
Share

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Khawaarijta ee lagu laayay hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka. Sirdoonka Soomaaliya waxa uu si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah, kuna dhuumaalaysanaya dhulka howdka ah.

Xogta horjoogeyaasha la dilay:- 1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi waxa uu horjooge u ahaa maleeshiyaad Khawaarij ah ee deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow 2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee Maleeshiyaada. 3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Khawaarijta ka hawlgasha aagga Buula-mareer. 4. Horjooge Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus. 5. Horjooge Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah. 6. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan waxa uu ahaa qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, iyo kan 7. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada.

Khawaarijta ayaa saaka Miino ay ku qariyeen Ceelkii ugu weynaa magaalada Ceel-garas ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ku dhaawacmay qof ka mid ah dadka deegaanka oo la sheegay in uu dhulka miyiga ah biyo ka soo doontay. Kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ayaa ka hor inta aanan lagala wareegin magaalada waxay ku xireen miinooyin dhammaan goobaha muhiimka ah, inkastoo ciidanka dowladdu ay ka saareen Qaraxyo badan oo cadowgu ugu tala galay inuu ku dhagro ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka, iyadoo Ciidanka Xoogga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay maalinkii shanaad ku sugan yihiin magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud, waxaana weli socda howlgallo ay ciidamadu ka wadaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow dhow.

Dhinaca kale Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruunnirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas, waxaana la soo warinayaa in Gaari NOHA ah oo ay ku rarnaayeen walxaha qarxa iyo hub kale oo aad u farabadan, islamarkaana maleeshiyo aan badneyn ka qaaday degmada Ruunnirgood, ayaa abbaaro 17:25-daqiiqo ah ee shalay waxa lagu duqeeyay deegaan u dhaxeeya Cali Heelle iyo degmada Ruunnirgood, gaar ahaan meel la yiraahdo Gumarti Cosoboow Cali (Cosoboow Dawac-dhageeye) una dhaxeeysa: Leba Aw Xasan iyo Hareeri Culusoow oo ku dhex yaalla waddada xariirisa degmada Ruunnirgood ilaa degmada Gaalkacyo, loona yaqaanno: “Rasta Gaduud”.

Maleeshiyaad aan tiro badneyn oo dhowr qof lagu sheegay, balse aan tiradooda oo go’an la heyn ayaa gaariga saarnaa, iyadoo ujeedka ugu weyn  uu ahaa qaraxyo aad u tira badan oo gaariga saarnaa,  waxaana  la sheegayaa in  xilligaas la duqeeyay in halkii lagu duqeeyay ay olol  ka baxayay  muddo 5 saacadood ka badan.  “Cid walba oo xaqa iyo xigtada dhabarka u jeedisa maalin ayaa la soo qaban doonaa, sidaas si la mid ah ayaana loo ciqaabi doonaa. Waa shar iyo halis ummadda kusoo wajahneyd oo laga hortegay Alle ayaana ku mahadsan oo dhagartoodii iyaga ku naqay”, sidaasi waxaa yiri Odey ka soo jeeda Deegaanka Ruunnirgood.

Inta la arkay, haddii uu jiro hal qof oo uu dagaalka daacad ka yahay waa isaga, waxaan ku farxay in 2 sano uu joogo furin dagaal, kana soo tagay reerkiisa, gurigiisa iyo magaaladiisa, isagoo aysan jirin qof u og ama wax ku siisa waxa uuna wataa dhallinyaro isaga la mid ah oo caqiido ahaan ula dagaalsan Khawaarijta Al-Shabaab. Qofka aan ka hadlayaa waa Cumar Macallin Nuur Maxamed Siyaad, ma’ahan Sarkaal dowladeed iyo askari midna oo wax mushaar ah kama helo Dowladda, kumana jiro diiwaanka dowladda, wax ka badan 10 sano ayuu ku jiraa dagaalka Al-Shabaab, Muqdisho ilaa Cowsweyne,  isagoo waligiis ku tashan mushaar, darajo ama wax kale.

Waxaa marag ma doonta ah in Wiil dhallinyaro ah ee halgankaas adag galay isagoo aan sharuud ku xirin in uusan ku tashan xuquuq iyo darajo hadana dowladda oo og aysan u garan halkii ay aheyd in ay abaal mariso, waxaa uu doonayaa inuu u helo garab iyo taageero dowladeed, si uu degaankiisa u tago, deegaannada uu ka soo jeedo ayaa ah Masagawaa, Galcad iyo Ceeldheer, waxaana haatan abaabul weyn loogu jiraa sidaa dib loogu laaban lahaa Deegaannadaasi, waana ku sii siqayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka.

khaliif Cumar Macalim nuur maxamad siyaad waxa uu naf iyo maalba u huray difaaca diinta, dalka iyo dadka wuxuuna mudan yahay ku dayasho, Qof doortay dagaal iyo rafaadka furimaha ka jira sharuudna aan ku xirin, wax dan ah oo ka soo galeysana aysan jirin oo aan ka aheyn ciribtirka kooxda Maafiyada ah ee Al-Shabaab,  ma jiro ama ugu yaraan waa yar tahay. Allaha ha xafido Khaliif Cumar Macallin Nuur. “Khawaarijtu waxay suuliyeen dhaqankii Islaamka, waxayna dumiyeen goobihii Diinta lagu faafin jiray”, ayaa laga hayaa inuu yiri Cumar mar uu ka dhex hadlaayay Magaalada Meagawaa, dhowr bil ka hor.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laas-caanood

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada…

GudahaWararka
January 1, 2023

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan…

GudahaSiyaasaddaWararka
July 19, 2024

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo gargaar gaarsiisay Baydhabo

Muqdisho (SONNA): Hay'adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta markale waxa ay shixnad gargaar ah u dirtay magaalada Baydhabo oo…

GudahaWararka
November 14, 2023

Dab Xooggan oo ka kacay suuqa weyn ee Bakaaro

Muqdisho(aSONNA):-Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan goobaha ganacsi ee ku yaalla wadada isku xirta dhismaha…

GudahaWararka
March 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023