Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka
GudahaSiyaasaddaWararka

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

By Sonna Whiteka
Last updated: July 19, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaano ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo ku aaddan dhacdadan iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo hore ugu soo baxday (Digreetada Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhameystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiiradda.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

 

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda weyn ee ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

 

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/wasaaraha Xukumadda Mudane Xamza Cabdi Barre, R/wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay dhiggiisa Qatar xoojinta dhinacyada iskaashiga

Doha(SONNA):- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo ah Khamiis, kula kulmay Magaalada…

GudahaWararka
May 11, 2023

Ra’iilsal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey shaqaale weynaha Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta munaasabadda maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo…

GudahaWararka
May 1, 2023

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xudur kula kulmay Gudoomiyaasha degmooyinka Bakool & Odayaasha dhaqanka

Xudur (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool…

Wararka
September 12, 2019

Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Arrimaha Gudaha ee XFS oo ka wada hadlay doorka shaqo ee ay wadaagaan

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, Jaamac  Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka…

GudahaWararka
August 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023