Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)
Maqaallada

Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 11, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Inta la socotay qeybaha hore ee Barnaamijka ” Diiradda”, warbaahinta qaranka waxaan ku baahinay in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ka soo jeeda Ceelbuur ay daneynayaan in hubkooda ay ku wareejiyaan odayaasha dhaqanka ka hor inta aysan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka cagta marin meelaha maleeshiyada Al-shabaab haraadiga kaga yihiin.

Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku doonayeen hubka Al-shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale, ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo ka mid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable,Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras,waxayna odayaasha dhaqanka si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Al-shabaab horjooge Gaagaale.

Horjooge Gaagaale ayaa doonaya inuu odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyadoo maleeshiyada u muuqato in aysan u babc dhigi karin ciidamada qalabka sida ee hadda kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Garable kula shiray horjooge Gaagaale ayaa waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn odayaasha reer Ceelgaras ay magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi daraateedna haddii uu doonayo Gaagaale wadahadal la galo Dowladda ama isaga tago deegaanka.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa markale isku dayay inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras,laakiin odayaashu ay si isku mid ah isugu raaceen in xilligan aysan la wareegi karin hub Shabaab ay leeyihiin.

Diidmada odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelgaras ay ka biyo diideen dalabka ka yimid horjoogaha ku beybta ah ee Maxamed Xuseen Gaagaale ayaa ka dhigan in Al-shabaab markale, warkooda aan ka socon degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan.

Tani waxay u muuqataa in horjooge Gaagaale uu ku fashilmay isku daygiisa, waxaana isku daygan fashilmay kala cadeyneysaa in odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku ku dhow dhow hadda ay si toos ah ugu hor imaanayaan awaamiirtii qaldaneyd ee horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab, odayaasha dhaqanka deegaanka siinayeen muddooyinkii dhowr iyo tobanka Sano ahayd ee deegaannadaas xoogga ay ku haysteen.

Kaliya ma ahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan meelaha ay Al-shabaab odayaasha dhaqanka kaga hor yimaadeen, dhawaan ayay ahayd markii odayaasha dhaqanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay awaamiir qaldan ka diideen Khawaarijta Al-shabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)

Muqdisho,(SONNNA):- Duulaanka safka ballaaran ee howlgalka dhammeystirka wejiga koowaad ee xoeynta Dalka ee lagu baacsanayo Khawaarijta ku go'doonsan bariga gobolka…

Maqaallada
August 22, 2023

Qofkii aad dhahdo Asalaamu Caleykum, wuxuu qaadayaa dareen cabsi ah (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Asalaamu Caleykum macno ahaan waa duco, waana suno, waana ay wanaagsan tahay in qof kasta, qofka kale ku salaamo,…

GudahaMaqaalladaWararka
March 5, 2023

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa…

GudahaMaqaallada
March 28, 2021

Horjoogayaasha khawaariijta oo ka caagay isticmaalka Telefonada gacanta

Muqdisho(SONNA):-kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii lagu qaaday hawlgalo ciidan oo…

MaqaalladaWararka
February 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023