Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)
Maqaallada

Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 22, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA):- Duulaanka safka ballaaran ee howlgalka dhammeystirka wejiga koowaad ee xoeynta Dalka ee lagu baacsanayo Khawaarijta ku go’doonsan bariga gobolka Galguduud ayaa xaqiijiyay guulihii ugu horeeyay.

Ciidamo ka tirsan xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo ka dhaqaaqay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa la wareegay deegaanka Wabxo oo ay isaga baxeen maleeshiyada kooxda gabalkooda sii dhacayo ee Al-shabaab.

Ciidamo isugu jira halyeeyada xaq-u-dirirka dadka deegaanka iyo kuwa xoogga Dalka oo uu horkacayo gudddoomiyaha degmadaas ayaa Khawaarijta ka saaray deegaannada kala ah Daadaale, Habar-cirir, Xiin-fardood iyo Jaaw oo dhammaantood hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Ciidamo habeenimadii xalay ka dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa kaabiga ku haya deegaanka Ceel-lahelay oo ay u jireen wax ka yar 10-km, iyagoo muddadii waddada ku sii jireen ku guuleystay bur-burinta fariisimo maleeshiyada ku lahaayeen deegaannada Sinidhaqo iyo Dhuumoodle ee gobolka Galguduud.

Marka laga reebo, miinooyin ay ku aaseen waddooyinka deegaannadaas gala oo lagu guuleystay soo saaristooda, ciidamada qaranku iyo dadka deegaanka lama kulmin wax iska caabin ah.

Galcad oo iyana Galguduud ka tirsan waxaa ku sugan Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Ibraahim sheekh Muxudiin  oo hoggaaminaya guluf xooggan oo qeyb ka ah howlgalka lagu qabanayo degmada faca weyn ee Ceelbuur si go’doonka looga saaray shacabka degmadaas oo in ka badan 15-sano Khawaarijtu haysato.

Sidoo kale, ciidamo badan oo ka dhaqaaqay Cadaado, Baxdo, Wisil iyo Xarar-dheere ayaa iyagana foodda ku haya deegaanno hore Khawaarijtu u maamuli jirtay oo uu ka mid yahay deegaanka Xiin-dheere, balse haatan badankooda ah isaga baxeen ka dib markii ay dareemeyn culeys weyn oo soo food-saaray.

Waxaa muuqata, in si habsami leh u socdo, guulo wax ku ool ahna lagu daah-furay dhammeystirka howlgalka wejiga koowaad ee dagaalka Dalka looga xoreynayo  Khawaarijta ka dib 16-habeen oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud caasimadda Galmudug u joogay agaasinka howlgalkan oo muhiim u ah qorshaha guud ee ka taqalusidda Khawaarijta.

Howlgalka waa mid si xowli ah u socda, daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa la filan karo guulo hor leh oo ay gaaraan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya, waana dhab waxaa muddo ka dib soo afjarmay jiliinkii Khawaarijta iyo gumaadka ay ku hayeen shacabka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)

Ciidanka Xoogga Dalka oo wali wada dabagalka firxadkii Khawaarijta ayaa gacanta ku dhigay Maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijtii lagu…

GudahaMaqaalladaWararka
September 15, 2025

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 24, 2024

Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Muddadii uu uu bilowday Dagaalka Khawaarijta oo ay iska wada kaashanayeen Ciidanka Qalabka Sida iyo Xoogagga Deegaanka ayaa waxaa lala…

MaqaalladaWararka
January 19, 2023

Baraarugga Shacabka oo sababay Burburka Khawaarijta

In mudda ah waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhib iyo handadaad ku hayay Kooxda caadeysatay daadinta dhiigga dadka muslimiinta,ayagoo u…

GudahaMaqaalladaWararka
December 25, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023