Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Baraarugga Shacabka oo sababay Burburka Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baraarugga Shacabka oo sababay Burburka Khawaarijta
GudahaMaqaalladaWararka

Baraarugga Shacabka oo sababay Burburka Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 25, 2022
4 Min Read
Share

In mudda ah waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhib iyo handadaad ku hayay Kooxda caadeysatay daadinta dhiigga dadka muslimiinta,ayagoo u aabayeeleynin waayeel,indheer-garad, Culumo, Carruur iyo Haweyn midna, waxayna in muddo ah ku ganbanayayeen magaca diinteenna Islaamka ah ee Xurmeysa dhiigga Islaamka,waxay kooxdaan khawaarijta ku dhuumaleysanayeen inka badan 10-sano inta badan goballada koonfurta sida Hirshabeele, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Muddooyinkii dambe waxay ku bilaabeen Ganacsata in ay ka qaadaan lacago baad ah oo u diiday dadka Soomaliyeed horumar iyo in ay wax qabsadaan ugu dambeyn waxay gaareen in ay dadka ku qasbaan fikradooda guracan ee takfiiriga ah, waxay si qasab ah u marin habaabinayeen dadka wax magaratada iyo kuwa dhimirka la’, ayagoo isticmaalayay dhagridda Shacabka,duruufaha ay ku hayeen xoola dhaqatada `Beeraleyda iyo Ganacsatada,waxay sababeen kacdoon Shacab oo ay isaga dulqaadayaan heeryada Kooxdan Khawaarijta ah ee dhaqanka Islaamka ka been abuurtay.

Waxaa isbiirsaday baraaruga shacaka iyo tageerada Ciidanka Qalabka sida, ayadoo laga dhabeynayo Siyaasada Madaxweyne Xasan sheikh ee la dagaalanka Khawaarijta, waxaa guluf dagaal mar qura ka bilowday dabayaaqadi Bisha July ee Sandkan 2022, ayadoo dagaalada dib u xorreynta ah ay ka dhaceen magaalooyin waawayn iyo tuulooyin ka tirsan maamulada Gal-mudug iyo Hir-shabelle.

Halganka Shacabka iyo taageerada ciidanka waxay sababtay in laga saaro kooxda khawaarijta magaalooyin waawayn oo ay xoog ku heysteen 10kii sano ee ugu dambeeysay, kooxaha khawaarijta waxaa soo gaaray Jab-xoogan tan iyo markii la doortay Md. Xassan Sheekh maxamuud, waxay waayeen mintidiin badan kuwana waxaa lagu qabtay nolasha qaar-badan oo ka mid ahna way isoo dhiibeen. Howl-galka sifeynta iyo Xorreynta, waxaa lagu dilay horjoogayal waa wayn oo ka tirsan dhagar-qabayaasha kooxda khawarijta ah ee Al-shabaab.

Waxaa laga xorreyay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsanaa Hir-shabeelle, waxaa xor ah hadda oo la isugu gudbi karaa magalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Raage-Ceele, Aadan Yabaal iyo Ruun-Nirgood oo ah degmadii ugu dambeeyay ee lagu xorreeyo khawaarijta ee gobalka Shabeelada dhexe, waxaa sidoo kale laga xoreeyay degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan sida Ceel-Hareeri,Moqokori,Buulaburte Matabaan iyo Yasooman oo ah dhul aad u baaxad wayn oo ka tirsan gobalka Hiraan, waxaa sidoo kale laga xorreyay degmooyin ka tirsan Galmudug  sida Wabxo, Wisil iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug,waxaana maalmaha soo socdo laga ciribtiri doonta degaannada fara ku tiriska ay ka joogaan Galmudug.

Booqashooyin dhiirigelinta oo ay ku tageen madaxda qaranka deegannadii laga xorreyay kooxda Khawaarijta. Dagaalka Khawaarijta lala galay kaliya maaha midka deeganada waxaa sidoo kale dowlada gacanta ku dhigtay Shabakado iyo koox qaabilsanaa baadda  laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaliyeed,waxaa dabagal joogta ah lagu hayaa shakhsiyaad iyo shirkado xiriir dhaw la lahaa kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo madaweyne Xasan Sheekh waxaa ka go’án la dagaalanka khawaarijta Al-shabaab iyo ciribtirkooda,waxayna hadda shacabka degaannada laga xoreeyay gacanta cadowga ay dareemayaan nabad iyo barwaaqo, sidoo kale, waxay ku faraxsan yihiin in ay muddo 10-sano ka badan ka dib, harsadaan dallada harka qabow ee dowladnimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sii Hayaha Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qeyb-galay shirka Ganacsiga Turkiga iyo Africa

Muqdisho.(SONNA)...Shirkan oo ku qabsoomay habka internetka ee muuqaal araga ah ayaa waxa furay madaxweynaha dalka turkiga mudane rajab tayip erdogan…

Wararka
October 9, 2020

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda…

GudahaWararka
October 24, 2024

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Gaalkacyo

Gaalkacyo (SONNA)- Madaxweynaha dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku soo gaaray…

GudahaWararka
September 28, 2020

Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur goboleedka IGAD

Muqdisho(SONNA):- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 30-aad, waxaana…

GudahaWararka
January 21, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023