Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Qofkii aad dhahdo Asalaamu Caleykum, wuxuu qaadayaa dareen cabsi ah (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qofkii aad dhahdo Asalaamu Caleykum, wuxuu qaadayaa dareen cabsi ah (Warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Qofkii aad dhahdo Asalaamu Caleykum, wuxuu qaadayaa dareen cabsi ah (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: March 5, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Asalaamu Caleykum macno ahaan waa duco, waana suno, waana ay wanaagsan tahay in qof kasta, qofka kale ku salaamo, balse sida Bulshada Soomaaliyeed ay ugu dhibaateynayeen Khawaarijtu ,iyagoo ku gambanaya Diinteenna suuban ayaa dadka waxay cabsi ka qaadeen Kalmadaha “ Asalaamu Caleykum, Allaahu Akbar, Alle ka cabso iyo kuwo kale oo badan”.

Salaanta Islaamka ee “Asalaamu Caleykum” ayay dad badan inta ay gadaashooda ka yiraahdeen Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa marka ay soo jeesteen dunida dhaafsiiyeen oo ay toogteen, taasina waxay sababtay in qofka marka uu waddo marayo ee uu maqlo “Asalaamu Caleykum” uu wal wal dareemo.

“ Gadaasheyda markaan sii socdo oo qof gadaal Asalaamu Caleykum iga yiraahdo, waxaan is iraahdaa inkaar qabooyinkii maa maanta ku salaamay, waa ka naxaa, sababtoo ah Asalaamu Caleykum Diinta Islaamku wey dhahdaa, qofka marka kugu horeeyo aad aragto aad salaanto, waa wax aad u wanaagsan, laakiinse “Asalaamu Caleykumtiiba” waxaa lagu gartaa in ay tahay in dad qaas ah loogu talagalay in ay tahay,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo ka hadashay muhiimadda salaanta iyo sida Khawaarijtu u suurad xumeeyeen.

Muhiimad intee la eg ayay u leedahay in dadka muslimiinta ah ay isku salaamaan, Salaanta islaamka “ Asalaamu Caleykum”,?.

“ Salaantu Nabigaa na amray, in la isa salaamo, dad waxaa jira Shiicada iyo Khawaarijta iyo rawaafida dad la yiraah oo u nisba sheeganaya Diinta Islaamka ee Diintii islaamka suurad xumeeyay, Suuradii iyo muuqaalkii Islaamka dad xumeeyay ayaa jira. Maxay sidaa u leeyihiin?. Waxaa weeye Nabigeenna Maxamed (NNKH) wuxuu na amray in salaanta la faafiyo oo muslimka isa salaamo waana Shey Diini ah.

Sidee loogu soo celin karaa Bulshada Soomaaliyeed kalsoonida kalmadaha Diinteenna suuban ee kooxdu sida qaldan u isticmaaleen?. Sheekh Cabdisalaan Sheekh Muuse ayaa weydiinay Su’aashaasi?.

“ Waxaa weeye, soddon iyo dhowr sano oo bur bur iyo baaba’ ayaa dalka soo maray, Ilaahey waxaan ka rajeyneynaa Dowlad cadaallad ah, waliba Diinta ku xukunta oo wanaagsan, rabbi inuu na siiyo, taas ayaa rabnaa, waxa weeye fowdada Ilaahey ma jecla, waxaa la rabaa dadka Diinta aqoonta u leh in Diinta lagala tashado in wax laga weydiiyo, nin jaahil ah oo aan Diinta aqoonin in wax laga weydiiyo ma ahan,”.

Inta aan soo sheegnay kaliya ma ahan, Kalmadaha ay Khawaarijtu qaladka ka fahamsan yihiin ee dhanka Diinta ee waxaa jira dhaqamo kale oo astaan u ah Diinta Islaamka sida sunada garka oo ah sunada Nabigeenna Maxamed (NNKH) iyo surwaalka oo la gaabiyo.

“ Sunada nabiga ayay ka mid tahay in la isa salaamo, garka in la sii daayo, in la is booqdo,” ayuu yiri Sheekh Cabdisalaan Sheekh Muuse.

Salaanta waa wax qaali ku ah dadka agtooda. Waxayna ka mid tahay waxyaalaha bulshada isku soo dhaweeyo, qalbi-goodana ka yeelo kuwa xalan (macnaha saafi ah).

Sidoo kale, Nabigeena Muxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha’ahaatee ayaa ku booriyay dadka muslimiinta ah muhiimadda ay leedahay in salaanta la badiyo si Bulshada isku jeclaato.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaannada Golaha shacabka oo Maanta kulmaya

Muqdisho-(SONNA)-Kulanka golaha Xildhibaannada shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow uu ka furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa…

WararkaWargayska
August 15, 2020

Ra’iisal wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah oo…

GudahaWararka
January 8, 2023

Dowladda oo ahmiyad gaar ah siinaysa abaaraha iyo sugnaanta cunnada

Muqdisho (SONNA): Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee…

GudahaWararka
April 1, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka…

GudahaWararka
February 15, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023