Madaxweyne ku-xiggeenka Galmudug oo kormeer ku tagay Dhismaha garoonka diyaaradaha Caabudwaaq “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne ku-xiggeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa manta kormeer ku tagay Mashruuca Dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmadda Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa waxaa weheliyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug waxayna u kuur galeen halka u marayo Dhismaha Airport Ka Caabudwaaq.

Guddoomiyaha Guddiga loo xilsaaray dhismaha garoonka Caabudwaaq ayaa sheegay in Shaqadu meel fican marayso, waxaana uu sheegay in laa iyo hadda la diyaariyay Runway dhan 2.5 Km dhawaana la gaarsiin doono 3KM, laamina la saari doono.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Guddiga uga mahad celiyey sida dar darta leh ee ay u wadaan dhismaha garoonka, isaggoo xusay in maamulka galmudug ay ka go’an tahay in horumarin lagu sameeyo dhammaan garoomada diyaaradaha maamulkaasi.

 

La wadaag cid kale