Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka daโayey gobolkaasi maalmahan.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Baniโaadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda ku soo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday.
Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira.
Wuxuu Madaxweynuhu sheegay inย maamulka uu sameeyey Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda baniโaadantinimo ka jirta maanta Qardho.