Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”
    May 16, 2026
    Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
    May 16, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA
    May 16, 2026
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah
    May 15, 2026
    Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil shalay ku shahiidday dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo
    May 15, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)
Maqaallada

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafaca  ee ay diinta suuban siisay.waxayna go’aansadeen in ay ilaashadaan daruuriyaadka shanta ah ee ay diinta islaamka ilaalisay . In ay ilaalsadaan diintooda la suurad xumeeyay,ilaashadaan naftooda sabab la’aanta lagumaadayo, ilaashadaan caqligoodan dhaqidda iyo marinhabaabinta lagu wado ilaashadaan sharafkoodan la duugay, ilaashadaan maalkooda lagu dilayo midka kale ee walaalkooda ah.

Waxaa hubka qaaday duqow iyo da’yarba, waxaana guntiga dhiisha isaga dhigay ganbooleeyda oo guubaabo iyo garab istaagba u tegay goobaha dagaalka. Waxaa dhiirradey oo ka dhiidhiyay dhiigga dadkooda ka qubanayo dhallinyaro, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira kubiiridda Ciidanka Xogga Dalka, si ay dadkooda uga dhiciyaan dhiiglaawayaasha dhameeyay.. Sidoo kale, waxaa kacdoonkan codkooda ku biiriyay cullimo iyo cuqaal iyaga oo caddeeyay inuu xaq yahay dagaalka argagixisada lagula jiro.

Kacdoonkan la isaga fujinayo shlinta dhiigga dadka  jaqeysa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha dalka, oo geed kasta ka sheegay in argagixisada shabaab la iska dhiciyo  lana dagaalamo  dagaal dhankasta leh, waxa uuna cod adag ugu digay dadka Soomaliyeed ee cabsida ku bixiya lacagaha baadda  ah, isagoo yiri “ cudur daar aduunyo iyo mid aakhiraba ma leh  in aad Shabaab dhaqaalo siiso. In aad qariso  iyo in aad ka baqdaba. Sow lagama yaabo,  dadka lacagta dhiibayow  in dadka la laynayo ay ku jiraan walaalihiin, wiilashiinna, gabdhihiina iyo kuwa aad jeceshihiinba?!”

Dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxay isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxaana ku daateen dhiiigg qiima leh oo ay si naftii hurnimo ah u bixiyeen saraakiil sarsare, askar, cuqaal, da’yar iyo duqowba,kuwaas oo ka hor inta aysan dhimaman shabaab dhadhansiiyay qaraarka guuldarrada,isla markaana shacabka u  suuragaliyay in ay neefsadaan hawada xoriyadda,wuxuuna halgankoodu keenay in  lagu safro dhul aysan macaquul ahayn in horay loogu safro, iyadoo dhiigga shuhaddadu uu rajada ku soo celiyay shacab Soomaaliyeed oo hilow iyo hamuun u qabay dowladnimada, waxaa iyana rajadaas rumeeyay Madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, isagoo lug ku maray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Maxaas safarkaas oo cinwaankiisu ahaa safarka xoriyadda, dadka Maxaasna ay Madaxwaynaha ku soo dhaweeyeen dareen farxad iyo filasho leh, Dareen raynrayn iyo rejo leh.

Waxaa sidoo kale safar ku tagay Aadan yabaan Raiisulwasaare xamse, una  soo laab qaboojiyay bulshada Aadan yabaal oo ay daashadeen duruufaha ka dhashey tacadiyadii Shabaabka ee lahaa caafimmad darrada,  Waxbarasho la’aanta iyo maqnaanshaha adeegyadii aasaasiga ahaa

Raysal wasaaraha oo la hadlayay shacabka Aadan yabaal ayaa ku yiri “quluubtiinna ka saara cabsida Khawaarijta, quluubta ka saara caqiida xumadooda, Diinnta Islaamka ee saxda ah ayaa lagu dhaqi doonaa halkan e”  Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay Shabaab dhadhan siiyeen qaraarka guuldarada,  iyagoo laga laayay boqolaal dagaalamayaashooda ah, dhul aad u ballaarankna dib looga xoreeyay, iyada oo ay suuragashey in dadkaasi lala gaaro gargaar bini’aadanimo, dadkii ku noolaa deegaannada Khawaarijtu heysteen waxay garowsadeen in ay ku noolaayeen xabsi kor ka furan oo ay ugu jireen dhiig miirratada argagixisada ah.

Ugu danbeyntii  waxa ay dadka Soomaaliyeed garowsadeen in Shabaabku muuqa Soomaali ka yihiin, balse ay yihiin Soomaali sumaysan oo halis ku ah jiritaan ka Soomaalida kale.

Qalinka Fardows Daahir

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay…

May 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Farxaan”qaraxii Soope 14 October ayey ku dileen aabahay”

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta ah ee Al-shabaab waxay Shacabka Soomaaliyeed badeen dhibaato xanuun badan oo saamaysay dhan walba oo nolosha ah,kooxda khawaariijtu…

MaqaalladaWararka
March 30, 2023

‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Sida ay xaqiijisay Haya'adda duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed  ayaa sheegtay in duulimaad Lambarkiisu yahay 8372 ee Ethiopian Airlines oo aan fasax…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 18, 2024

Maxaad ka ogtahay deegaanada ay ku kala xayiran yihiin horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab?. Warbixin.

Muqdisho-(SONNA)-Wixii ka dambeeyay markii Khawaarijta lagala wareegay in ka badan 50 magaalo oo ka tirsan Gobollada dalka, waxaa Khawaarijta soo…

MaqaalladaWararka
January 7, 2023

Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye oo laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey, kaas oo howlgal…

GudahaMaqaalladaWararka
April 11, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023