Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen
Maqaallada

Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen

By Dahir Aadan Cali
Last updated: January 29, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Waayo ayay ahaayeen horjoogayaasha kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwa ku nool, nolol heer sare, guryo qasriyo ah oo aysan ku soo tiir iyo tacab beelin, sida Villa Aadan Yabaal oo aheyd meelihii ay malaayiin ruux maankooda ku dooriyeen, iyagoo adeegsanayo mabaadii’ qaldan iyo marin habaabin aan meel uga oolin Diinteenna.

Maal qabeenno ayay ku noqdeen ka macaasha maalka masaakiinta iyo yatiinta ee miyiga iyo magaalooyinka ku nool, balse maanta waa kuwo guranaayo mirihii ay shalay beerteen.

Balliyadii, Beerihii Shabeelaha Dhexe iyo barwaaqadii Biyaha Webiga oo beri u aheyd halka baadda shacabka looga qaado “Waa Maxkamad beenaadee” waa kuwa maanta ka jooga oo lagu baacsanayo Boholaha Miiroon iyo howdka Baraag ee gobolka Mudug oo aanan iyada xita looga harin baas looga bixiyay, boholihiina lagu dummiyay.

Sawirro laga soo qaaday gabaadka godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda ee deegaannada Galmudug gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug ayaa muujinayo haalagga iyo baaba’ soo wajahay kooxdan oo baryahaanba gabbalkoodu sii dhacayay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa soo bandhigay sawirada godadkii ugu waa weynaa ee ay ku noolaayeen qaar ka tirsan horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ee gobolka Mudug.

Godadkaan ayay kooxdu u isticmaali jirtay inay isku qariyaan hoggaamiyaashooda aan awoodin in ay bannaanka u soo baxaan, waxaana godadkaas lagu arkay waxyaabo lala yaabo oo ay ka mid yihiin xafaayado ay isticmaali jireen mararka oo ay gudanayaan xaajada Musqusha ama suuliga, si aysan banaanka ugu soo bixin.

Sababta ugu weyn ee ku kaliftay arintaan ayaa ah in halkaas gabbaad ka dhigtaan, sidoo kale kaga gambanayeen duqeymaha is daba jooga ah ay kala kulmayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee saaxiibada caalamka ee dhanka howlgalka ka taageero Soomaaliya.

Godadka ayaa sidoo kale waxaa lagu arkay maacuunta wax lagu karsado sida Tarmuuska ama Falaaska, kuwaas oo mararka qaar loogu keeni jiray raashinka.

Dadka deegaanka ee sidoo kale goobtaas tegay ayaa sheegay in bannaanka hore ee godadkaas daadsan yihiin xafaayadaha dadka waa weyn, oo cabirayo cibaarada jirto.

Waxaa la yaab noqotay in kooxdii shalay noloshii la ogaa ku jirtay ay maanta gunta hoose iyo bahlo galeenka howdka ka raadinayaan meel ay gabaad ka dhigtaan.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib-u-xorreynta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa geedba iyo godka kasta oo ay galaan khawaarijta goynaya, waxaa maanta laga goynayaa go’doomintii iyo gobood faladii ay horray ugu geysteen bulshadda,

Kooxda diinta ku raad gadata ee argagixisada ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay dagaal saddex dhinac oo kooxdan lagu soo afjarayo kuwas oo kala ah, dagaal furimaha, dagaalka dhaqaalaha oo looga joojinayoo dhaqaalaha iyo baada shacabka ay ka xaabsadan iyo dagaalka fikirka.

Shirweynaha culimada Soomaaliyeed waxay ku cadeeyen shirkooda sida kooxdu fikirka argagixisadu uu ugu saleysan yahay gaaleysiinta dadkeenna Islaamka ah iyo marin habaabinta ay ku hayaan diinta. Iyagoo soo bandhigay sharciyadda diimeed ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al-shabaab iyo in la dabar-gooyo sababaha keenna xagjirnimada. Culimada ayaa dul istaagay fikirka gurrucan ee Khawaarijta, waxayna caddeyeen haboow-sanaantooda kooxda ku qaraabada diinta.

Sidoo kale, Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay dhibaatada fikirka xagjirnimada, sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda Islaamka iyo doorka culimada ee xorreynta dalka taas oo tallaabo kale oo dhabar jab ku ah kooxdan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bulshada Ceeldheer oo u qalab qaatay Suulinta raadadkii Khawaarijta (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Dhallinyarada ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo is-xilqaamay ayaa bilaabay in ay qeyb weyn ka qaataan bilicda…

Maqaallada
June 13, 2023

Ku Dhiiro Garan-waaga inta uusan ku gallaafan (Warbixin).

Muqdisho.( SONNA):- Inaad sugtaa nabad aadan qeyb ka ahayn, waa adigoo dhahay meel mugdi ah ayaa ifeysa, carruurtaada oo baari…

Maqaallada
May 10, 2023

Waa kuma horjoogaha Khawaarijtu ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow? (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Waxaa halkoodii ka sii soconaya howlgallada lagu ugaarsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaad  khawaarijta Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gobollada Jubbooyinka. Markan,…

Maqaallada
July 11, 2023

DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!

Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay ”Sooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo …

Maqaallada
April 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023