Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen
Maqaallada

Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen

By Dahir Aadan Cali
Last updated: January 29, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Waayo ayay ahaayeen horjoogayaasha kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwa ku nool, nolol heer sare, guryo qasriyo ah oo aysan ku soo tiir iyo tacab beelin, sida Villa Aadan Yabaal oo aheyd meelihii ay malaayiin ruux maankooda ku dooriyeen, iyagoo adeegsanayo mabaadii’ qaldan iyo marin habaabin aan meel uga oolin Diinteenna.

Maal qabeenno ayay ku noqdeen ka macaasha maalka masaakiinta iyo yatiinta ee miyiga iyo magaalooyinka ku nool, balse maanta waa kuwo guranaayo mirihii ay shalay beerteen.

Balliyadii, Beerihii Shabeelaha Dhexe iyo barwaaqadii Biyaha Webiga oo beri u aheyd halka baadda shacabka looga qaado “Waa Maxkamad beenaadee” waa kuwa maanta ka jooga oo lagu baacsanayo Boholaha Miiroon iyo howdka Baraag ee gobolka Mudug oo aanan iyada xita looga harin baas looga bixiyay, boholihiina lagu dummiyay.

Sawirro laga soo qaaday gabaadka godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda ee deegaannada Galmudug gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug ayaa muujinayo haalagga iyo baaba’ soo wajahay kooxdan oo baryahaanba gabbalkoodu sii dhacayay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa soo bandhigay sawirada godadkii ugu waa weynaa ee ay ku noolaayeen qaar ka tirsan horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ee gobolka Mudug.

Godadkaan ayay kooxdu u isticmaali jirtay inay isku qariyaan hoggaamiyaashooda aan awoodin in ay bannaanka u soo baxaan, waxaana godadkaas lagu arkay waxyaabo lala yaabo oo ay ka mid yihiin xafaayado ay isticmaali jireen mararka oo ay gudanayaan xaajada Musqusha ama suuliga, si aysan banaanka ugu soo bixin.

Sababta ugu weyn ee ku kaliftay arintaan ayaa ah in halkaas gabbaad ka dhigtaan, sidoo kale kaga gambanayeen duqeymaha is daba jooga ah ay kala kulmayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee saaxiibada caalamka ee dhanka howlgalka ka taageero Soomaaliya.

Godadka ayaa sidoo kale waxaa lagu arkay maacuunta wax lagu karsado sida Tarmuuska ama Falaaska, kuwaas oo mararka qaar loogu keeni jiray raashinka.

Dadka deegaanka ee sidoo kale goobtaas tegay ayaa sheegay in bannaanka hore ee godadkaas daadsan yihiin xafaayadaha dadka waa weyn, oo cabirayo cibaarada jirto.

Waxaa la yaab noqotay in kooxdii shalay noloshii la ogaa ku jirtay ay maanta gunta hoose iyo bahlo galeenka howdka ka raadinayaan meel ay gabaad ka dhigtaan.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib-u-xorreynta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa geedba iyo godka kasta oo ay galaan khawaarijta goynaya, waxaa maanta laga goynayaa go’doomintii iyo gobood faladii ay horray ugu geysteen bulshadda,

Kooxda diinta ku raad gadata ee argagixisada ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay dagaal saddex dhinac oo kooxdan lagu soo afjarayo kuwas oo kala ah, dagaal furimaha, dagaalka dhaqaalaha oo looga joojinayoo dhaqaalaha iyo baada shacabka ay ka xaabsadan iyo dagaalka fikirka.

Shirweynaha culimada Soomaaliyeed waxay ku cadeeyen shirkooda sida kooxdu fikirka argagixisadu uu ugu saleysan yahay gaaleysiinta dadkeenna Islaamka ah iyo marin habaabinta ay ku hayaan diinta. Iyagoo soo bandhigay sharciyadda diimeed ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al-shabaab iyo in la dabar-gooyo sababaha keenna xagjirnimada. Culimada ayaa dul istaagay fikirka gurrucan ee Khawaarijta, waxayna caddeyeen haboow-sanaantooda kooxda ku qaraabada diinta.

Sidoo kale, Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay dhibaatada fikirka xagjirnimada, sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda Islaamka iyo doorka culimada ee xorreynta dalka taas oo tallaabo kale oo dhabar jab ku ah kooxdan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya waxay ilaalinaysa Madaxabanaanida Dalkeeda (WARBIXIN)

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Mevlüt oo la dardaarmayay Soomaalida,,kana hadlayey aqoontiisa Dibomaasiyada, waxa uu qoray sidan:- "Haddii Qof…

GudahaMaqaallada
August 24, 2024

Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Muddo ka badan 15-sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku hayeeN Khawaarijta, waxaana hadda isbedel xoog leh oo…

GudahaMaqaalladaWararka
February 12, 2023

Soo laabashada Ciidanka illaalada qaranku waa dhamaadka kooxda khawaariijta(Warbixin)

Muqdisho(Sonna):-In ay diyaar yihiin Ciidanka ilaallada qaranka Gaaska koowaad ee Duufaan maka dhigan tahay dhammaadka khawaariijta naf la caariga ah?…

MaqaalladaWararka
January 3, 2023

Furihii xaqiijinta Amniga caasimadda (Warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- Muddo dheer magaalada Muqdisho waxay dhibane u ahayd dambiilayaasha Khawaarijta oo si kasta ugu qubeystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Muqdisho…

Maqaallada
May 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023