Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas
    July 15, 2025
    Wasiirka arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka SSC Khaatumo
    July 15, 2025
    Sanad guurada 9-aad ee afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay
    July 15, 2025
    Wasiirka Caddaaladda oo maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda
    July 15, 2025
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya
    July 15, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!
Maqaallada

DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!

By Agaasimaha SONNA
Last updated: April 18, 2021
5 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay ”Sooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo  baxaan ififaalooyin dhacdooyinkii la soo maray shabbaha”.

Inkastoo aan la tirakoobin dadka Soomaaliyeed, haddana malaha loo badan yahay ayaa ah, in da’yartu ay dalka ku badan tahay. Dad badan ayaa weliba ku dhiirada in ay yiraahdaan 70 % dadka Soomaalidu waa kuwa da’ ahaan kayar 30 sano. Si kastaba ha ahaatee waxaan muran ka taagnayn oo aanay labo Cali isweydiinayn, in dhallinyaradu ku badan dalkeenna.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee tiradaas leh waxaad mooddaa in ay u dhega-nugul-yihiin  maaweelooyinka Siyaasiyiintu ku beer-laxawsato oo ah, in dhallinyaradu ay tahay mustaqbalka dalka, hoggaamiyayaasha mustaqbalka iyo milkiilayaasha dalka.

Inkastoo aan anigu hadda ka sii baxayo qaanadda dhallinyarada, haddana waxaan sannado kooban hortood u soo joogay welina ii muuqda dhallinyaro sida hawtul-hamagga ugu daata dabka loo shido dano qabiil ama siyaasadeed, dhallinyaradaas oo kuwii dhintay aan ehelkooda iyo haddii uu awlaad ka tegeenba la daryeelin, kuwii dhaawacmayna ay dhaxlaan dhutin iyo naafannimo aanay cidi ugu garaabin.

Marka aad guud ahaan Soomaaliya dhan kasta ka eegto, waxaad arkaysaa dhallinyaro iyo carruur Soomaaliyeed oo horin-horin uga qalin-beddalanaya goobaha waxbarashada Diiniga ah iyo kuwa madaniga ah, taas oo ka dhigan in waalidiniintu dareemeen faa’iidada waxbarashada, nafaqaynta iyo korinta carruurta ka sokowna ay u darbadeen soo saaridda dhallinyaro waxbaratay.

Inkastoo aanay dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed helin fursad waxbarasho, haddana waxaa muuqata in tiro badan ay tacliinta gurteen welina guranayaan. Sidaas darteed waxaan isweydiinayaa, sababta aanay dhallinyaradaas saamayn ugu yeelan karin qaab-dhismeedka iyo habsami-socodka mustaqbalkooda? Ma waxay la’yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda? Haddii aan anigu isu jawaabo, waxaan leeyahay ” haa iyo maya”.

Anigoo u daadegaya dulucda dooddayda ku saabsan jawaabaha iska soo horjeeda ee aan hal su’aal ka bixiyay ayaan waxaan ku billabayaa jawaabta ah ”haa” oo u dhiganta indhallinyardu ay la’yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda. Marka loo eego baaxadda dalka iyo dhibaatada isku nooca ah ee ay dhallinyaradu qabto, waxaa cad in aanay jirin dhallinyaro ficil ahaan u soo baxday ifinta waajibka dhallinyarada saaran iyo tusidda dhallinyarada muhiimadda ay leedahay in ay qaateen go’aanno ay aayahooda uga talinayaan, ay ku diidayaan colaadaha, ay saamayn ugu yeelanayaan hoggaanka deegaannadoodu, dalkooda, nabadda iyo xasiloonidana ay horseed ugu noqonayaan.

Jawaabtayda kale ee ah ”maya” ayaan markanna u qiil-samaynayaa: Waxaan hubaan in deegaan kasta oo Soomaaliya ku yaal ay joogaan dhallinyaro baraarugsan oo og in qabyaalad iyo colaadi aanay dhib mooyee dheef lahayn, balse dhallinyaradaas ayaa u badan kuwa si kooban oo lagu sifeyn karo ”aashuun ku addin” u soo gudbiya afkaartooda. Sidaas darteed, waxaan dhallinyaradaas leeyahay ”bannaanka keena afkaartiina kuna dara hadalkiina ficil (ficilku ma ahan dagaal ee waa tusaale cad oo lagu muujinayo sida aragtida waxqabad loogu beddeli karo).

Hadda iyo dan: Waxaan tiro shan jeer ka badan daawaday muuqaal warbaahinta bulshada lagu baahiyay oo uu nin dhallinyaro ah kula hadlayay dad dhallinyaro, odayaal, nabaddoonno iyo culumaa’uddiin isugu jiray. Ninka dhallinayarada ah ee muuqaalkaas ka hadlaya waa Cabdiraxmaan Yuusuf (Alcadaala), Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska. Hadalka wasiirkan da’da yar marka aan dhegeystay ayaan go’aansaday in aan maqaalkan qoro.  Marki uu hadalkan jeedinayay wasiirku wuxuu hawlo dhexdhexaadin iyo nabadayn ah u joogay deegaan ay dad walaalo ah ku dagaaleen.

Guntii iyo gunaanadki; Da’yaroow, haddii aad doonayso tusaale ku dhiirigeliya bal ila daawo hadalka wasiirkan dhallinyarada ah: https://www.facebook.com/cabdiraxmaan.yusufcadaala/videos/2261303594004381

Dhallinyarooy ogaada, in geesinimada dhabta ah aanay ahayn qof la dilo iyo dagaal la galo. Geesinimada dhabta ah waa in la qiro khaladki lagu dhacay, laga qoomameeyo khaladkaas kaddibna la iska diido in dib loogu laabto khaladkaas.

In la dhinto dhimashada horteed waxaa loola jeedaa, in qofku qaadan waayo doorkiisa uu dunida ku leeyahay isagoo awooda, sidaas darteed Dhallinyarooy ha dhimanina geeridda horteed!

W/Q: Cabdi Muuse Macalin https://m.facebook.com/may.muuse

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas

Aljeris (SONNA): Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa…

July 15, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa…

GudahaMaqaallada
October 10, 2023

“ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)

Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug ayaa dhawaan lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo…

GudahaMaqaallada
August 6, 2023

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- Muqdisho oo muddo badan maaro u la'ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo…

Maqaallada
May 21, 2023

Dhul aan lahayn biyo, hooyada foolatana masaafo dheer lagu qaado gaari dameer (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta ayaa mudda 10-sano ka badan dhibaatooyin isugu jira dilal,boob iyo gubida Hantida ummada soomaaliyed ku heysay shacabka Soomaaliyeed…

MaqaalladaWararka
March 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023