Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka
    May 31, 2026
    Horjooge sare Khawaarijta ka tirsan oo howlgal lagu dilay
    May 30, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed
    May 30, 2026
    Xildhibaanada la doortay ee K/Galbeed oo maanta la dhaariyay
    May 30, 2026
    Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Jaamacadda Ummadda iyo Machadka Al Jazeera oo daah-furay laab warbaahineed cusub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Waxbarashada > Jaamacadda Ummadda iyo Machadka Al Jazeera oo daah-furay laab warbaahineed cusub
Waxbarashada

Jaamacadda Ummadda iyo Machadka Al Jazeera oo daah-furay laab warbaahineed cusub

By Abdulkadir
Last updated: September 21, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga daah-furay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 “Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera”, oo laga hirgeliyey Qeybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.

Munaasabadda daah-furka ayaa ahayd mid si ballaaran loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qayb galeen ,Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed; Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuceymi , Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Bini’aadamnimada ee jaamacadda , Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo masuuliyiin dowladeed, xubno ka socday maamulka jaamacadda, marti sharaf kale iyo khubaro warbaahineed oo Soomaaliyeed

Laabkan cusub oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera Media Institute, ayaa si buuxda loogu qalabeeyey agabka casriga ah ee warbaahinta, waxaana si toos ah loogu bilaabay tababbaro horumarineed oo socon doona muddo toddobaad ah. Tababbarradan waxaa ka faa’iideysan doona ardayda dhigata culuumta saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo kuwa kale ee dalka, si ay u helaan xirfado waafaqsan isbeddellada warbaahinta caalamiga ah.

Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda, ayaa sheegay in daah-furka laabkan uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in burburkii dalka uu saameyn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo horumarka dhalinyarada, balse dadaallada socda iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda warbaahinta.

“Haddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa kaalin muuqata ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,” ayuu yiri Prof. Dr. Maxamed.

Sidoo kale waxa uu ammaanayProf. Dr. Maxamed,  dadaalka Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Bini’aadamnimada ee Jaamacadda Ummadda, kaas oo juhdi joogto ah ku bixiyay hirgelinta mashruucan hormuudka ah.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed, sida Yuusuf Garaad Cumar oo ardayda ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursaddan, iyo khubaro ka socday Machadka Al Jazeera Media Institute oo isla goobta ka furay koorsooyin lagu magacaabo “Hindisaha Warbaahinta Horumarka”.

Laabka cusub ee Al Jazeera ee Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, lana horumarinayo tayada wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka saxaafadda ee ka hortagga wararka been-abuurka ah.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la…

May 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis la xiriira deeq waxbarasho oo heerka PHD ah

Muqdisho(SONNA):- Wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shalay galinkii dambe goobjoog ka ahaa heshiis la xiriira deeq waxbarasho…

GudahaWararkaWaxbarashada
May 28, 2023

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada

Dalalka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo mas’uuliyad dadweyne. Golaha loo…

WararkaWaxbarashada
January 25, 2023

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):- Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku…

GudahaMaqaalladaSiyaasaddaWararkaWaxbarashada
July 1, 2023

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo deegaanka Qalqaloocan ka hirgalisay dugsi hoose

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Waxbarashada ee Maamulka Galmudug ayaa maanta deegaanka Qalqaloocan ee Bariga Gobolka Mudug ka hirgalisay dugsi hoose oo baahi weyn…

WararkaWaxbarashada
March 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023