Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Horjoogoow Soo dir, Ciidankuna waa dilayaan’ (WARBIXN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Horjoogoow Soo dir, Ciidankuna waa dilayaan’ (WARBIXN)
GudahaMaqaallada

‘Horjoogoow Soo dir, Ciidankuna waa dilayaan’ (WARBIXN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 23, 2024
8 Min Read
Share

Ciidanka Qalabka Sida ayaa jab xooggan khawaarijta ugu geystay jubbada Hoose, waxaase la soo warinayaa In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay howlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee ka tirsan gobalka Jubbada Hoose, inkstoo warar kale ay sheegayaan tirada dhimashada Maleeshiyadkaasi intaasi ka badan yihiin, waxaana soo kordhaya in dhimashada Khawaarijtu gaaraeyso ilaa iyo 115.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta maamul-goboleedka Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaasi, balse ciidanka oo u diyaarsanaa dhagarta cadowga ayaa ku guulaystay inay cagta mariyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah. Ciidamadda ayaa howlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga argagixisada ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha loo yaqaanno RPG (7-ka), BKM(Dabajeex), AK47 iyo qalab kale.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Jubbaland ayaa hadda ku jira uruurinta meydadka cadowga ee daadsan goobaha lagu dagaalamay, iyadoo dhanka kale wali lagu raad joogo Maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan, waxaan ognahay in Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta naf la caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.

Haddaba dhacdooyinkaasi ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyiinta dalka ugu sarreysa, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu bogaadiyay sida naf-hornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen Argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyay guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa Argagixisada. “Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan”.

Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wadashaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aas-aas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta Argagixisada, sidaasi awgeed waxa uu ku adkeeyay in dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hey’adaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa isna u hambalyeeyay geesiyada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland kuwaasi oo jab xooggan gaarsiiyay Khawaarijtii isku dayday in ay soo weerarto fariisimaha ciidanka. “Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidammada Geesiyasha Qaranka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland oo maanta jabiyay khawaarijta weerarkii fulaynimada ahaa ee ay soo qaadeen”

“Casharka ay ciidamadeenu u dhigeen Maleeshiyaadkii khawaarijta ahaa ee saakay waabarigii weerarka ku soo qaaday degaannada Buulo-Xaaji Harboole iyo Miido ee Gobolka Jubbada hoose ka tirsan, waxa ayna muujineysaa sida ay mujaahidiinteennu uga adkadeen khawaarijta naflacaarig ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa isna ka hadlay dhacdadasi, wuxuuna sheegay in khawaarijtii soo weerartay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee Jubbaland lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.“Khawaarijtii Saaka soo weerartay goobihii laga xoreeyay ee Jubbada Hoose waxay la kulmeen guul-darrooyin aad u waawayn, Ciidanka Qaranka ee Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland waa mahadsan yihiin, Alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Meydadka khawaarijta oo tiro beel ah aya daadsan dhulka, waxaana halkaasi loogu furtay hub fara badan, sida ka muuqato muuqaallada iyo sawirrada hordhaca ah ee laga soo qaaday halkaasi ayaa muujinaya Meydad daadsan halkaas oo aan xisaab laheyn, sidoo kale hub farabadan ayaa iyana qeyb ka ah.

Khawaarjta ayaa waxaa caado u ah in markii meeshii la gala wareego ayay waxay yelaan waxay ku soo qaadaan weerarro gaadma ah tiro dhowr jeer ah, si cadaadis u saaraan ciidanka oo ay dib uga noqdaan meelaha lala wareegay, sidaasi awgeed ayaa waxaa jirta in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay dhawaan deegaanno farabadan khawaarijta kaga saaray halkaasi, iyadoo dhawaan la furay waddada isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale 18-kii bishan ayay aheyd markii Ciidanka Xooga Dalka gaar ahaan Ururka 39-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad iyo Ururka 10-aad ee Gorgor iyo dadka degaanka ay cadawga Khawaarijta Al-Shabaab kula dagalameen howdka degaanno hoos yimaada Murcudka ee gobolka Hiiraan, iyadoo Ciidanku uu guulo waaweyn ka gaaray cadowga ayay ka dilay ilaa 15 ka mid ah Khawaarijta, waxaana ay ka furteen hub iyo Saanad ciidan oo kale.

15-kii bishanna Dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayay jab xooggan loogu geystay deeggaanno u dhaxeeya Waniinle ilaa iyo Cowsweyne, waxaana iska soo daba dhacaya hambalyada iyo bogaadinta loo jeedinayo Ciidaamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ee ka qeybqaadatay howlgalkaasi barakeysanaa, kaasi oo looga dilay Khawaarijta isugu jirtay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu laayay khawaarij ka badan 50 xubnood. Howlgalkan ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidanka Qaranka, geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Haddaba ‘Horjoogoow Soo dir, Ciidankuna waa dilayaan’, haddii ay sida Tiinka u tarmayaan, sidaasina waxaan ka hayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo si aad ula dirirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kaasi oo aad u dhibsaday ficilada ka muuqda Arxan darrada ah ee ay Dadka ula dhaqmaan, balse hadda ayuu gabalkoodu dhacay. Dhankiisa Cali Axmed Faarax oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa isna sheegay in uu xalay ay ula mid aheyd markii xorriyadda laga qaatay gumeystayaashii 1960-ka, “waxaana ku seexday farxad, anigoo marba eegaya muuqaallada laga soo duubay xasuuqa khawaarijta”.

Xabiibo Cali Maxamed oo ku dhaqan dallka Mareykanka oo la hadashay SONNA ayaa u sheegtay xasuuqa khawaarijta mid bogaadin xooggan mudan, iyadoo geesiyaasha Xoogga kula talisay hanaankii loo maareeyay weerarkii khawaarijta looga faa’ideysto meel kasta oo Ciidanka Qaranka joogaan, si meesha looga saaro weerrada fuleynimo ee khawaarijta.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaarihii hore dalka oo bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xorreynayaan dalka

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xorreeyeen …

GudahaWararka
January 17, 2023

Wafdi ka socda BFS oo Switzerland uga qeyb-galaya Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Aduunka

Muqdisho(SONNA);-Geneva-Switzerland October, 12, 2024: Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi…

GudahaWararka
October 13, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS oo xarigga ka jaray Saalada qaliinka ee Isbitaalka Martiini

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Adam ayaa xarigga ka jaray Saalada qaliinka…

GudahaWararka
December 25, 2023

Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya

Addis-Abbaba(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo…

GudahaWararka
January 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023