Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo NISA oo howlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo NISA oo howlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe
GudahaWararka

Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo NISA oo howlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 5, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugida Qaranka oo Howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay DeegaaNno hoostaga degmada Cadale oo dhawaan dagaal beeleedyo ay ka dhaceen.

Deegaannadaas ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa ka taagnaa dagaal beeleedyo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Ciidamada Darawaashita Booliska iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa ayaa ku guuleystay in gacanta lagu dhigo tiro maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa NISA ayaa si wadajir ah howlgal xasillin ah uga sameeyay deegaannada kala ah Xaaji Cali, Caddow-uul, Geel Gub, Ceel Muluq, Ceel xaashi iyo deegaanno kale oo dhawaan lagu dagaallamay qaarkoodna la gubay oo dab la qabad-siiyay.

Saraakiisha ugu sareysay ciidamada Daraawiishta ayaa qeyb ka ahaa howlgalka oo uu ugu horeeyo Generaal Cabdullaahi Mire oo ah taliyaha ciidamada Daraawishta, Dhamme Cabdullaahi yuusuf Kheyre oo ah taliyaha ururka 3-aad Daraawishta ee ka howlgala Shabeellaha Dhexe, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa waxaa ka mid ah Dhamme Xaashi Maxamuud oo ah taliyaha ururka 1-aad oo ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose, balse hadda ku sugan Shabeellaha dhexe iyo Gaashaanle Abuukar Cabdulle Raage oo ah abaanduulaha guutada 1-aad ee Daraawiishta.

Deegaanka Caddow-uul iyo deegaannada kale ee lagu dagaallamay hadda waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta, kuwaas oo shacabka ku dhaqan deegaannadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka oo sugaya amnigooda, diyaarna u ah in ay ka qabtaan cadowga ummadda iyo kuwa ugu soo dhex dhuumanaya si ay u qal qal-geliyaan amniga iyo horumarka ay haystaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir ku saabsan Ololaha wacyigalinta dib u eegista Dastuurka oo Dhuusamareeb ka furmay

Dhuusamareeb(SONNA)-Shir ku saabsan Ololaha Wacyigalinta Dib-u-eegista Dastuurka ayna soo qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka furmaya…

WararkaWargayska
March 14, 2020

Guddoomiye sheekh aadan madoobe oo hambalyo u diray munaasabada 15-ka may awgeed dhalinyarada soomaaliyee

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madobe, ayaa munaasabadda 15-ka May awgeed waxaa uu…

Wararka
May 15, 2023

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta labadii todobaad ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay…

GudahaWararka
November 19, 2021

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu horkacayo Guddomiyaha Hey'adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Abdulle oo booqasho kujooga Caasimadda maamulka Puntiland ee…

GudahaWararka
March 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023