Muqdisho-(SONNA)-War ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM, ayaa lagu shaaciyay in duqeyn Diyaaradeed lagu dilay Sarkaal Argagixisada u qaabbilsanaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-qaacidda.
Warka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday Degmadsa Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, horjoogaha la dilay ayaa xilliga uu weerarku dhacayay ku ย howlanaa isticmaalka Khadka Internet-ka.
Warka ayaa intaa ku daraya in Ninka la dilay u xiriir toos ah la lahaa Al-qaacidda, sidoo kalena uu ku Magacawnaa wakiilka Al-Shabaab u qaabbilsan isku xirka Labada koox argagixiso.
AFRICOM, waxa ay hoosta ka xariiqday in duqeyntii ka dhacday Degmada Jilib aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Dad rayid ah, howl-galkaasna uu u dhacay sidii loogu talo galay.
Warbixinta la shaaciyay ayaa lagu ammaanay Ciidammada Soomaaliya oo qeyb ka ahaa howl-galkii Jilib ka dhacay.