Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo lagu Dilay jubbada Hoose.

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Darawiishra Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose

Saraakiisha howlagalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay sigaar ah howlgalka uga fuliyeen degaannada,koban,Araare,Lafaha-ragga iyo Xero –Shiid kuwaas oo dhamaantood u dhaw degaanka Buula –Gaduud ee Gobalka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha degaanka Buulo-Gaduud  Mahad Mataan Buulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidamada lagu dilay ilaa 10 isugu jira Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha waxaa uu sidokale sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana la doonayay in Maleeshiyada Al-Shabaab looga saaro degaannada howlgalka laga fuliyay.

La wadaag cid kale