Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)
GudahaMaqaallada

Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)

By Kulane
Last updated: July 10, 2021
4 Min Read
Share

Dad isjecel iyo dal dhisan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga wax kasta oo caqabad ku ah habsami u socodka horumarka dalka,gaar ahaan goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafadu waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay haboon tahay in lagu baraarugo Kahortaggu in uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada.

Haddaba, maxaa sababay in dad badan ay caado ka dhigtaan in wadddooyinka iyo xaafadaha ay ku daadiyaan biyaha wasaq ah iyo qashin aad u fara badan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo guryaha iyo alaabooyinka kale ee lagu qaato adeegyada,sida bacaha iyo baakadaha ?.

Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay sameystaan ciidamo ama kooxo u howlgala wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.

Waxaa qasab ah in ay jiraan goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo diyaarintii gawaari ka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka waxaa looga fadhiyaa in ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada arimahaa.

Maaamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo dhismaha haaman iyo booyado loogu talagaly in lagu qaado qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee yaalla inta badaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo in biyaha iyo wasaqda ay ka ilaaliyaan waddooyinka oo dayactirkooda iyo dhismahoodu ay ku baxeenlacago fara badan iyo in sidoo kale dadka lagu baraarujiyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada.

Sidoo kale,waxaa habbon in cid kasta ay u howlgasho qurxinta deegaanka ama goobta ay ku nool yihiin,iyadoo xoogga la saarayo gannaax lacageed oo lagu soo rogo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku shubaan waddooyinka ama xaafadaha .

Waxaa farxad ah in ay socdaan dadaallo gaabis ah oo la doonayo in lagu qaado haraaga qashinka ay ka tageen biyaha roobka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka iyo kan degmooyinka ,waxa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha kutalagal ee horyaalla,gaar ahaan kahortagga burburka ku soo noq-noqda waddoooyinka illa hadda la dayactiray,iyadoo sidoo kale ay lama huraan tahay in wax laga qabto faafidda cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo waddooyinka iyo xaafadaha.

Ogoow ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta,sidaa daraadeed, ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada,taasoo macnaheedu yahay inta qashinku kuu jiro ayuu cudurku kuu jiraa.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa…

July 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka hadlay ciribtirka Khawaarijta iyo masuq-maasuqa

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbaddiisii jimcaha kaga hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta…

GudahaWararka
February 4, 2023

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo war ka soo saartay Arday lagu la’ yahay dhul gariirkii dhacay dalka Turkiye

Muqdisho (SONNA) Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in nolol iyo geeri lagu la’…

GudahaWararka
February 12, 2023

Faah faahin ayaa ka soo baxaysaQof naftii halige ah oo isku qarxiyay maqaayadda Luul-yemeni oo ku taala degmada Xamar-Jajab

Muqdisho(SONNA) Laba Qof ayaa ku dhintay hal qofna wuu ku dhaawacmay Qarax uu fuliyay nin naftii halige ah oo xirnaa…

GudahaWararkaWargayska
August 3, 2020

Jubaland oo sheegtay in ay diyaar u tahay dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka

SONNA (MUQDISHO)- Maamulka Jubaland mar walba waxa ay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah…

GudahaWararka
December 26, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023