Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF
    July 12, 2025
    Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah
    July 12, 2025
    Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik
    July 12, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadantinimo ee Galmudug
    July 12, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.
GudahaMaqaalladaWararka

Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: September 30, 2021
5 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA)- Dib u habeyntii guddiga Doorashooyinka keddib waxaa soo if-baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dhinacyadii Guddiga Doorashooyinka oo u muuqday kuwo u kala jabsan laba garab oo kala taabacsanaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isku mari la’aa qaabka ay noqonayso doorashada xubnaha gobolada woqooyi ee aqalka sare maaddaama Doorashadooda la guda galayay xiligaa.

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka duulaya xaqiijinta hufnaanta Doorashooyinka ayaa bilaabay kulamo uu la kala qaato labada dhinac oo is marin waa’ adag uu ka dhex jiray.

Kulamada dhinacyada ay khuseysay doorashada Gobolada woqooyi ayaa bilowday 24kii Maajo, xiligaa oo kulan albaabada u xiran yahay uu dhex maray Wasiirka Koobaad ee Xukuumadda iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaa xigay kullan uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed.

Kulamadaas ayaa waxaa laga gaaray is af-garad wanaagsan, Iyadoo RW Eng. Rooble uu labada dhinac ku qanciyay in ay faraha kala baxaan Guddiga Doorashada.

Kullamada loogu kala dab-qaadayay dhinacyada is khilaafsan ayaa is daba socday ilaa laga soo gaaray Bilowgii Bishii August, xiligaa oo uu Rooble uu xafiiskiisa isugu yeeray Guddigii qaban lahaa doorashada Gobolada woqooyi oo khilaafkoodu uu gaaray heer ay doortaan guddoomiye aanay isku waafaqsanayn.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga la kulmay saddexdii bishii August waxa uu na kala hadlay in aanay saamaynin Siyaasadda dhinacyada soo kala xulay, balse ay u diyaar garoobaan qabashada Doorasho la isku waafaqsan yahay oo ay ku qancaan Bulshada Woqooyi oo idil.

Waxaa la mideeyay Guddigii Doorashooyinka Gobolada Woqooyi, waxa ayna doorteen hogaan ay ku qanacsan yihiin taa oo sahli kartay qabashada doorashada Gobolada Woqooyi, taa baddalkeed se Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka shaqeeyay sidii ay isugu imaan lahaayeen dhinacyada Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo sahla qabashada doorasho lagu qanacsan yahay.

7dii bishan aynu ku jirno ayaa waxaa Muqdisho lagu qabtay Heshiis ay wada gaareen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxa ayna ku heshiiyeen in ay dhinac iska dhigaan khilaafkii haraadinayay doorashooyinkooda.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay xafladdii is-cafinta siyaasiyiinta Somaliland ayaa bogaadiyay tanaasulaadkii ay labada dhinac muujiyeen waxa uu na sheegay in loo dhaqaaqay qabashada Doorashada Gobolada Woqooyi.

Maalmo keddib, sidii ay ballantu aheyd Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa loo gudbiyay Liiska Musharixiinta Aqalka sare, waxaana sawir ka soo wada muuqday 21kii bishan Rooble oo dhaxda uga jira Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, dhinacyaduna ay wada faraxsan yihiin.

Wax ka yar Laba Toddobaad ayey ku suuragashay in la diiwaan geliyo Musharixiinta, la xareeyo Ergada Dooranaysa, la tababaro keddibna ay doortaan Xubnaha Aqalka sare ee matalaya gobolada Woqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay khudbad uu kula dardaarmayay guddiga doorashada iyo ergada wax dooranaysa oo ku sugnaa hoolka doorashada ay ka dhacayso ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa:- “Odayaasha waxaan iyagana leeyahay, waad ku mahadsan tihiin dadaalkiina, kartidiina, waxaan idin ka rabaa Caddaalad, dhamaanteen Caddaaladaa na deeqdo. Maantay Soomaali kaliya idin ma eegaysee Alle SWT ayaa idin eegaya, marka waxaan idin leeyahay Caawa qofka hoyanaya oo aakhiro xageed u hoyanaya lama ogee, Caddaalad ayaa la idin ka rabaa”.

Maanta ayey soo gaba-gabowday doorashadii Xildhibaanada Gobolada Woqooyi ee ka mid noqonaya Aqalka sare, waxaana ay noqontay doorasho la wada amaanay, sidaana waxaa gaba-gabo ku dhow dhamaystirka doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale, Rooble ayaa faray Maamul goboleedyada kale ee dalka in ay soo dhamaystiraan sideedda Kursi ee ku kala dhiman si loo guda galo doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka BFS.

Halkan ka aqriso 11 Xildhibaan ee Gobolada Woqooyi ay ku yeelanayaan Aqalka sare ee Soomaaliya.

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  2. Saalax Axmed Jaamac
  3. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Cismaan Abokor Dubbe
  5. Layla Axmed Ismaaciil
  6. Bilaal idiris Cabdullaahi
  7. Deeqa Xasan Xuseen
  8. Axmed Maxamed Siciid
  9. Naciima Xasan Xaaji
  10. Saciid Cabdi Xasan Cowke
  11. Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa ka Qaybgalaya tababar ku saabsan Maareynta…

July 12, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka isku-duwidda howlaha Caafimaadka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Kulanka seddax biloodlaha ah ee isku duwdida howlaha caafimaadka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Soommaaliya ayaa maanta ka…

Wararka
July 30, 2023

Xukuumadda Soomaaliya oo ku bogaadisay shacabka degaanka Bacaadweyne geesinimo dirirka iyo sida ay u garab istaageen ciidanka Qaranka

Muqdisho, (SONNA) Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa  Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga…

Wararka
December 1, 2020

Wasiir fiqi oo qaabilay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay…

GudahaWararka
February 10, 2025

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo

Muqdisho(SONNA)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,  ayaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada Shan kamid ah Kuraasta Golaha…

GudahaWararka
January 19, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023