Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka
    April 22, 2026
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.
GudahaMaqaalladaWararka

Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: September 30, 2021
5 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA)- Dib u habeyntii guddiga Doorashooyinka keddib waxaa soo if-baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dhinacyadii Guddiga Doorashooyinka oo u muuqday kuwo u kala jabsan laba garab oo kala taabacsanaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isku mari la’aa qaabka ay noqonayso doorashada xubnaha gobolada woqooyi ee aqalka sare maaddaama Doorashadooda la guda galayay xiligaa.

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka duulaya xaqiijinta hufnaanta Doorashooyinka ayaa bilaabay kulamo uu la kala qaato labada dhinac oo is marin waa’ adag uu ka dhex jiray.

Kulamada dhinacyada ay khuseysay doorashada Gobolada woqooyi ayaa bilowday 24kii Maajo, xiligaa oo kulan albaabada u xiran yahay uu dhex maray Wasiirka Koobaad ee Xukuumadda iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaa xigay kullan uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed.

Kulamadaas ayaa waxaa laga gaaray is af-garad wanaagsan, Iyadoo RW Eng. Rooble uu labada dhinac ku qanciyay in ay faraha kala baxaan Guddiga Doorashada.

Kullamada loogu kala dab-qaadayay dhinacyada is khilaafsan ayaa is daba socday ilaa laga soo gaaray Bilowgii Bishii August, xiligaa oo uu Rooble uu xafiiskiisa isugu yeeray Guddigii qaban lahaa doorashada Gobolada woqooyi oo khilaafkoodu uu gaaray heer ay doortaan guddoomiye aanay isku waafaqsanayn.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga la kulmay saddexdii bishii August waxa uu na kala hadlay in aanay saamaynin Siyaasadda dhinacyada soo kala xulay, balse ay u diyaar garoobaan qabashada Doorasho la isku waafaqsan yahay oo ay ku qancaan Bulshada Woqooyi oo idil.

Waxaa la mideeyay Guddigii Doorashooyinka Gobolada Woqooyi, waxa ayna doorteen hogaan ay ku qanacsan yihiin taa oo sahli kartay qabashada doorashada Gobolada Woqooyi, taa baddalkeed se Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka shaqeeyay sidii ay isugu imaan lahaayeen dhinacyada Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo sahla qabashada doorasho lagu qanacsan yahay.

7dii bishan aynu ku jirno ayaa waxaa Muqdisho lagu qabtay Heshiis ay wada gaareen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxa ayna ku heshiiyeen in ay dhinac iska dhigaan khilaafkii haraadinayay doorashooyinkooda.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay xafladdii is-cafinta siyaasiyiinta Somaliland ayaa bogaadiyay tanaasulaadkii ay labada dhinac muujiyeen waxa uu na sheegay in loo dhaqaaqay qabashada Doorashada Gobolada Woqooyi.

Maalmo keddib, sidii ay ballantu aheyd Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa loo gudbiyay Liiska Musharixiinta Aqalka sare, waxaana sawir ka soo wada muuqday 21kii bishan Rooble oo dhaxda uga jira Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, dhinacyaduna ay wada faraxsan yihiin.

Wax ka yar Laba Toddobaad ayey ku suuragashay in la diiwaan geliyo Musharixiinta, la xareeyo Ergada Dooranaysa, la tababaro keddibna ay doortaan Xubnaha Aqalka sare ee matalaya gobolada Woqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay khudbad uu kula dardaarmayay guddiga doorashada iyo ergada wax dooranaysa oo ku sugnaa hoolka doorashada ay ka dhacayso ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa:- “Odayaasha waxaan iyagana leeyahay, waad ku mahadsan tihiin dadaalkiina, kartidiina, waxaan idin ka rabaa Caddaalad, dhamaanteen Caddaaladaa na deeqdo. Maantay Soomaali kaliya idin ma eegaysee Alle SWT ayaa idin eegaya, marka waxaan idin leeyahay Caawa qofka hoyanaya oo aakhiro xageed u hoyanaya lama ogee, Caddaalad ayaa la idin ka rabaa”.

Maanta ayey soo gaba-gabowday doorashadii Xildhibaanada Gobolada Woqooyi ee ka mid noqonaya Aqalka sare, waxaana ay noqontay doorasho la wada amaanay, sidaana waxaa gaba-gabo ku dhow dhamaystirka doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale, Rooble ayaa faray Maamul goboleedyada kale ee dalka in ay soo dhamaystiraan sideedda Kursi ee ku kala dhiman si loo guda galo doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka BFS.

Halkan ka aqriso 11 Xildhibaan ee Gobolada Woqooyi ay ku yeelanayaan Aqalka sare ee Soomaaliya.

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  2. Saalax Axmed Jaamac
  3. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Cismaan Abokor Dubbe
  5. Layla Axmed Ismaaciil
  6. Bilaal idiris Cabdullaahi
  7. Deeqa Xasan Xuseen
  8. Axmed Maxamed Siciid
  9. Naciima Xasan Xaaji
  10. Saciid Cabdi Xasan Cowke
  11. Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Muqdisho 22 Abriil 2026:— Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal

Muqdisho(SONNA) Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX) Muqdisho, 1 October 2020 Mabaadii’da…

GudahaSawirroSiyaasaddaWararkaWargayska
October 2, 2020

Wasaaradda Ganacsiga iyo Bangiga Aduunka oo ka wada hadlaya mashaariicda horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga

SONNA (MUQDISHO)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta furay kulan socon doona muddo afar…

GudahaWararka
January 22, 2022

Golaha warbaahinta Soomaaliyeed o soo saaray war-saxaafadeed

Muqdisho (SONNA): Golaha warbaahinta Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 8-qodob, kaas oo ay kaga hadlayaan ahmiyadda ay leedahay…

Wararka
May 8, 2024

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO)

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabiley wafdi ay hoggaamineyso Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka Adduunka…

GudahaWararka
November 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023