Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta kulan la qaadatay Brian James Williams, Madaxa Waaxda Maalgelinta Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay (UN Peacebuilding).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada taageerada dhismaha nabadda, horumarinta xuquuqda aadanaha iyo kobcinta hay’adaha qaran.
Intii uu kulanku socday, Brian James Williams ayaa ku ammaanay guddiga dadaallada muuqda iyo waxqabadka ay soo bandhigeen muddadii koobnayd ee uu jiray, isaga oo tilmaamay inay muujiyeen karti iyo dadaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Dhankeeda, Guddoomiye Maryan Qaasim ayaa uga mahadcelisay martida booqashada ay ku yimaadeen xafiiska guddiga iyo taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn miro dhal ah oo lagu xoojinayo hawlaha guddiga iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
