Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 10, 2024
7 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysa inay faragalin iyo iska horkeen ka dhex wado beelaha Walaalaha ah ee wada dega Gobolka Gedo, waxeyna Soomaaliya ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay Difaaca Madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna Baaq u dirtay Beesha Caalamka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay Midawga Afrika in ay cambaareeyaan falkaan guracan ee Itoobiya wax ugu dhimeyso nabadda Gobolka.

Dowladda Soomaaliya, waxay mar kasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam, balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka”, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay  ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaasi oo xad-gudub ku ah shuruucda Caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasi oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horraantii sanadkaan.

“Kadib markii Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay ku wiiqayso Amniga Dalka sida, in ay Dalka ku soo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda ku diyaariso Maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata, ka dibna ay u soo dirto gudaha Soomaaliya,  si ay colaad u huriyaan. Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo sida xogta lagu hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ficiladaan waxay si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin  kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika”. Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo siday Hub sharci-darro ah, wuxuuna cambaareyn dusha uga tuuray  Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha, isagoo sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo ka mid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, wuxuuna intaa ku daray in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka u yaalla.“Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha Argagixisada ah, waxa ayna ka soo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taasi oo meeshana ka saareysa wadahadaladii labada dowladood u socday, islamarkaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhowr jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taasi uu kula kulmay Weji kabax dhan kasta ah, haataanna waxa uu ciidamo u soo dirayaa Deegaanno ka mid ah Soomaaliya, taasi oo la og yahay in ciidamada Itoobiya lagu wado inay dalka ka baxaan ugu dambeyn bishan Disember.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyay in ay walaac ka muujinayaan tallaabooyinka qaar oo ay qaadday dowladda Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay inay xad-gudubyo cad ku yihiin madax-bannaanida, arrimaha gudaha, iyo amniga Soomaaliya, islamaraasna ka hor imanaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay  khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan isbarasho ah la qaadatay haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah kula…

GudahaWararka
January 13, 2025

Amiirka Qatar oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya

Dooxa (SONNA):- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani  ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya…

CaalamkaGudahaWararka
December 4, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo guddoomiyay kulanka Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xalay hogaamiyey shir muhiim ah oo looga hadlaayey…

Gudaha
November 8, 2024

Dagaal khasaare xoog leh uu ka dhashay oo Maleeshiyaad Khawaarijta ku dhexmaray gobollada Jubbooyinka (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Dagaal u dhaxeeyo Khawaarijta ka wada tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddexdii cisho ee ugu dambeeyay waxa uu ka socday…

Maqaallada
April 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023