Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay dalka Masar oo la afduubtay
    May 12, 2026
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ‘Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaalida waa kobca dhaqaalaha dalka’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaalida waa kobca dhaqaalaha dalka’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaalida waa kobca dhaqaalaha dalka’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 13, 2024
6 Min Read
Share

Madasha Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmay ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Qaranka. Maalintii Sabtida aheyd waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu baaro doorka qurba joogta ee horumarinta dhaqaalaha dalka. Madashan oo uu soo qabanqaabiyeen Bangiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (IBS iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ay wehlinayso Waaxda Jaaliyaddaha Qurbajoogta ee Wasaaraddaasi, ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda ugu muhiimsan dowladda iyo Ganacsatada, iyo sidoo kale wakiillada bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa iftiimiyay doorka muuqda ee qurba-joogta Soomaaliyeed, oo ku dhawaad ​​$2 bilyan ku bixiya xawaaladaha sannad kasta—oo xisaabiya ilaa 27% GDP-ga qaranka, una adeegaya nolosha Qoysas badan. “Qurba-joogtu maaha oo kaliya kuwa degan dibadda, balse waa safiirrada adkeysiga Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray masraxa caalamka,” ayuu Wasiirku carabka ku adkeeyay.

“Marka laga soo tago xawaaladaha, qurba-joogta Soomaaliyeed waxay si isa soo taraysa uga qayb qaadanayaan maalgashiga tooska ah ee qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, sida hantida ma-guurtada ah, isgaarsiinta, iyo maaliyadda. Qulqulka raasamaalku kuma ekayn oo keliya in uu abuuray kumannaan shaqo balse, waxa uu sidoo kale horseeday horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Kobaca aaladaha lacagta moobilada iyo adeegyada maaliyadeed ee ku habboon suuqa Soomaaliya ayaa ah tusaalooyinka ugu muhiimsan ee hal-abuurnimada qurba-joogta horseedka u tahay oo saameyn isbeddel ah ku yeeshay dhaqaalaha gudaha”, sidaana waxaa qaba Falanqeeye Ciise Xasan oo ku suga.

“Arrin kale oo laf-dhabarta u ah saamaynta qurba-joogta ayaa ah dib-u-soo-noqoshada Soomaalida xirfadleyda iyo aqoonta leh ee dibadaha ka yimid.  Shakhsiyaadkani waxay gacan ka geystaan aragtiyo caalami ah iyo khibrado, kuwaasi oo lagama maarmaan u ah casriyeynta shaqaalaha Soomaaliya iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha kala duwan. Waaxyaha Waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo tiknoolajiyada ayaa si weyn uga faa’iideystey qulqulka aqoonta iyo xirfadaha, oo inta badan lagu soo maro dadaallo rasmi ah iyo shabakado aan rasmi ahayn, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan oo isaga qudhiisa ah Qurba joog.

Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa la sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee Qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta, si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo, isagoo caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin laheyd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda. Waxaa kaloo munaasabadaasi ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, oo hadal uu ka jeediyay isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, ayaa waxa uu ka sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta, si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan, isaga oo daaha ka rogay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin muuqata oo maalgeshiyo kala duwan ku leeyihiin Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, dhowr magaalo oo Turkiga ah iyo sidoo kale Caasimadda Kenya ee Nairobi,  isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in maalgeshigooda u soo jiheeyaan dalkooda Soomaaliya, Bangiguna diyaar u yahay inuu rumeeyo hiigsigooda iyo riyadooda maalgeshi oo guulaysata.

Shirkaani waa kii ugu horeeyay ee ku saabsan maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay qabato Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Waaxdeeda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogata, loona qabto Qurbajoogta Soomaliyeed.

Shirkaani ayaa muhiim u ah dhammaan qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka maalgashaday ama qorsheeynaya in ay dalka maalgashadaan, waxaana looga hadli doona soo bandhigista doorka weyn ee qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku aadan maalgashiga dalka, Soo bandhigista fursadaha maalgashi dalka ee dhinacyada waxsoosaarka Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, dhismaha & Guriyeynta, Waxbarashadda, Caafimaadka, hal abuurka & Tiknolojiyadda.

Qaramada Midoobay ayaa waxay aad u ammaantay doorka Qurba Joogta oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid wax ka taray howlaha gargaarka Bini’aadannimo ee loo fidinayo dadka ku dhibaataysan gudaha dalka iyo dibaddiisaba, waana mid muuqa waxtarkooda.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay dalka Masar oo la afduubtay

Baarlamaanka Carabta, Mohammed bin Ahmed Al Yamahi, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka markab shidaal…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir guddoomiyay golaha wasiirada Maamulkiisa

SONNA (MUQDISHO)- Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Maamul-goboleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha…

GudahaWararka
December 26, 2021

Madaxweyne Laftagareen iyo wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray Diinsoor

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaree, wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo qaar ka…

GudahaWararka
November 19, 2023

Kulanka wadatashiga istiraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay

Muqdisho-(SONNA)-Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) ayaa maalintii labaad galay…

GudahaWararka
May 23, 2023

Wasiirka Howlaha Guud oo qaabilay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa Xafiiskiisa…

GudahaWararka
October 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023