MUQDISHO-(SONNA)-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Wadahadallada Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladd Goboleedka Jubbaland, kullanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyaga oo soo bandhigeen aragtiyada ay ka qabaan sida loo wajahayo Wadahadallada.
Ugu horreyn Ergayga ayaa ka qeybgalayaasha kullanka uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay arragtiyadooda iyo fikradaha ka dhex guuxata intaba, ayagoona soo gudbiyay tallooyin wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada Wadahadallada.
Kullamadan Wadatashiga ah ee uu Ergayga Arrimaha Somaliland la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Dowladd Gobleedyadda ayaa ah kuwo bud-dhig u ah in la helo siyaadda mideysan oo loo dhan yahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.