Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda
    May 13, 2026
    Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Baydhabo kulan kula yeeshay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed
    May 13, 2026
    Wasaaradda Gaadiidka oo ka dalbaday isbedel muuqda dhammaan hay’adaha ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadda
    May 13, 2026
    Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo
    May 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)
GudahaMaqaallada

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 15, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Deyn cafinta Soomaaliya waxay ay soo martay heerar kala duwan iyo maraaxillo kala gedisan, waxaana Dowladda Soomaaliyeed xoog saartay sidii Ummadda Soomaaliyeed looga cafin lahaa Deymihii ku aruuray tan iyo Dowladdi militariga, iyadoo inta badan ay tahay dulsaar, maadama deynta lagu lahaa ay ahayd 2.5 bilyan Dollarka oo Maraykanka ah, ayaa hadda ku dhow 5 Billion , waxaana jirta in ay dowladdu helayso ballan qaadyo badan oo kala imaanaya Wadamada Islaamka iyo kuwa Caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Al-shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada beeraha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Haddaba maxaad ka taqaannaa He’yadda IFAD?  IFAD Waa Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha,  waana hey’ad maaliyadeed oo caalami ah iyo Wakaalad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah oo ka shaqeysa wax ka qabashada saboolnimada iyo gaajada ka jirta dhulka miyiga ah ee wadamada soo koraya, marka waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed mar haddi ay bilaabatay deyn cafintu,  waxaana lagu wadaa in qorshaha Deyn Cafinta lagu soo afjaro dabayaaqada sanadkan,iyadoo faa’iido weyn ugu jirto ama laga heleyaa haddii gabin ahaanba la cafiyo, waayo waxaa Soomaalida u bilaabanaya inay gaarto yoolkeeda ku aadn horumarinta adeegyada kala duwan ee Bulshada iyo dhaqan dhaqaale iyo inay qaadan karto ammaah kale iyo inay Dowladda Soomaaliyeed sameysan karto Lacag shillin Soomaali ah.

Qallinka C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Muqdisho, Soomaaliya, 13 May 2026: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday shir wadatashi Qaran…

GudahaWararka
May 20, 2025

Ciidanka Xoogga oo howgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baraag Cali Guduud

Muqdisho,(SONNA):-Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo  hoostagta degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug kagana beegan 31 Km dhanka  koonfureed ayaa ciidanka xoogga dalka…

GudahaWararka
December 14, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya,…

GudahaWararka
November 6, 2025

RW Xamsa oo u hambalyeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Muqdisho,(SONNA):- Ra'iisal waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo qadka Taleefanka kula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Jabuuti Mudane…

GudahaWararka
April 11, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023