Muqdisho, Soomaaliya, 13 May 2026: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha kala duwan iyo waaxyaha Wasaaradda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqada iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.
Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxaaa uu warbixin ka saabsan shaqooyinka socda ka dhegeystay Agaasimayaasha ,madaxda qeybaha waaxyaha, iyo howl-wadeennada Wasaaradda, isagoo ku booriyay dadaalka iyo shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka..
Wasiirka ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda Wasaaraddu u leedahay horumarinta Warbaaihinta, mideynta fariimaha Dowladda, wacyigelinta bulshada, ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo horumarinta dalxiiska dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyay kooxihii Warbaahinta iyo tebinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan ka dhacay deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isagoo ku tilmaamay shaqadooda mid xirfadeysan, geesinnimo leh oo door muhiim ah ka qaadatay in bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkuba si hufan ula socdaan habsami u socodka codeynta dadweynaha ee doorashooyinkii dhacay 10-kii May.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in uu dhegeystay xaaladda shaqo ee Wasaaradda uuna diiradda saari doono dardar galinta shaqada iyo horumarinta xaaladda shaqada Waaxyaha


